Sheeko ku saabsan sida warbaahinta iyo baraha bulshada loogu suurad xumeeyo Muslimiinta

0
609

Maqaal ay suxufiyada lagu magacaabo Nisreen Malik ku qortay jariidada Ingiriiska ka soo baxda ee The Guardian ayaa ku eedeysay warbaahinta iyo baraha bulshada inay door ka ciyaareen sida sawir khaldan looga qaado muslimiinta isla markaana ay gacan ka geystaan cadaadiska lagu hayo.

Maqaalka ayaa lagu sheegay in ay jiraan dad badan oo muslimiin ah oo ku nool Ingiriiska kuwaasoo laga yaabo inay dareemaan shaki, iyo malaha cadaawad, ku saabsan waxtarka iyo qiimaha ay leedahay kaqeybgalka ama kamid ahaanshaha bulshada Britain.

Nisreen Malik ayaana waxay ka warbixisay sheekooyinka dumarka muslimiinta ah ee u dhashay dalka Ingiriiska qaarkood kuwaasoo isku dayay inay ka shaqeeyaan saxaafada iyo warbaahinta dalkaasi, balse lagu hareeyay su’aalo aan shuqul ku lahayn shaqadooda.

Mid kamid ah dumarkii shaqada saxaafada dooneysay ayaa sheegtay in qof uu weydiyay hadii lagu qasbay inay xijaabato, iyo ra’yigeeda ku aadan wadamada ku qasba haweenka inay xirtaan xijaabka, waxayna qaarkooda sheegeen inaan lagu aamini karin la tacaalida arimaha sayniska maadaama ay aaminsan tahay ilaahay inuu jiro oo Muslimad tahay.

Nasriin ayaana warbixinta ku tiri; Waxa dhacaya waa natiijadii kasoo baxday warbaahinta, kadib markii mudo tobannaan sano Muslimiinta Ingiriiska laga dhigayay inay dhibaato, hanjabaad, iyo halis ku yihiin dadka kale.

Waxay soo qaadatay tusaalooyin dhowr ah oo ku saabsan habdhaqanka foosha xun iyo dhibaatooyinka lagula dhaqmo Muslimiinta Ingiriiska, sida mamnuucidii xijaabka iyo indho shareerka mudadii lagu guda jiray doodaha ku saabsan “dagaalka lagula jiro argagixisada”, iyo raadkii nafsiyeed ay midaas ku yeelatay bulshada muslimiinta dalkaasi ku nool.

Nisreen ayaana ku eedeysay saxaafada inay door ka ciyaareen arintaan iyagoona soo wariya sheekooyin sida darawalka baska qofka muslimka ah uu wado uu rakaabka ka saaro baska si uu ula tukado walaalihiisa kale ee muslimiinta ah, waxayna suxufiyada xustay in warbaahinta ay badanaa daabacdo warkaas xitaa kadib markii dhowr bilood kasoo wareegato, ayagoona ujeedkooda yahay suurad xumeynta muslimiinta.

Waxay tilmaamtay in tusaalaha ugu dhow ee doorka saxaafada looga soo qaadan karo arintan ay tahay gabadha wariyaha ah ee Emma Barnett, taasoo tabiye ka ah BBC Radio 4, gaar ahaan wareysigii ugu dambeeyay ee ay la yeelatay Zara Mohammed, oo ahayd “Xoghayihii Guud” ee ugu horeeyay ee Golaha Muslimiinta Britain.

Waxay sheegtay in Barnett ay waydiisay Zara intii uu socday kulanka wareysiga su’aasha tirada “imaamyada” haweenka ee ku nool Britain. Zara ayaana waxay sharaxday in doorkeedu iyo jagadeeda aysan shaqo ku laheyn wax diin ku saabsan, laakiin Barnett ayaa ku adkeysatay midaas ayaadoona ku celcelisay su’aashaas iyo su’aalihii la midka ahaaba.

Nasreen ayaa sharraxday inay dadka qaar ula muuqato inay macquul tahay su’aasha noocaas ah in la waydiiyo sarkaal muslim ah oo haya jago hoggaamineed. Laakiin dadka kale, waxay u arkaan inay tahay tijaabo laga qaadayo muslimiinta doorta shaqooyinka iyo jagooyinka ceynkaan ah, hormar kasta oo aad sameysana marba hadaad muslim tahay wuxuu noqonayaa hormarkaasi midaan kugu filneyn oon lagugu aamini karin.

Gabadha Qoraaga ayaana maqaalka waxay kaloo ku sheegtay in waxyaabaha Islaam naceybka ka dhasha ay ka mid yihiin in bulshada muslimiinta ah lagu riixo inay go’doon galaan, lana dareensiiyo inaan lagu kalsooneyn, kiisaskoodana si gaar ah marwalba loola macaamilo.

Dhamaadka maqaalka, Nisriina ayaa waxay ku baaqday in hadii nabadgalyo iyo sinaan dhab ah la doonayo marka hore la abuuro goob wadahadal xor ah qof kastana ra’yigiisa ka dhiiban karo, sidoo kalana ujeedka laga leeyahay aanan ahayn mid naceyb abuuri karo dareenka dadkana lagu kicinaayo, sidoo kalana la joojiyo adeegsiga qaldan ee warbaahinta iyo baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here