Gabar ilaa xad isku dhex-yaacsanayd, oo ayan
xaaladdeeda nafsiga ahi degganayn, ayaa soo
booqatay reer ay qaraabo ahaayeen. Waxay
Gabadhu uga cabaneysay reerka: in la falfalay
(sixray), una baahan tahay in Quraan lagu
akhriyo..!!.

Daqiiqado ka-dib, nin isaguna ilaa xad waalnaa
(laba miirre), oo ay isla reerkaas xidid
ahaayeen, ayaa yimid Aqalkii. Waxaa iyadoo
lala kaftamayo loo sheegay ninka: inay
Gabadha meesha fadhidaa xanuunsanayso,
lagana rabo isaga inuu ku akhriyo Quraan.

Waxaa ninkii waalnaa lagu yiri:-”Gabadhan ku
akhri Quraan, haddii ay bogsatana, adigaa
laguu dhisayaa, oo laguu guurinayaa”.
Ninkii waalnaa, oo la qabay tuhun ah : inay
waallidiisu la xiriirto ‘Baahi Naag’, ayaa farxay
oo dhoolla-caddeeyay.

Wuxuu ag-fadhiistay
Gabadhii, wuxuuna si jacbur ah ugu akhriyay
Suurado gaagaaban oo Quraanka ka mid ah.

Dabadeedna wuu iska tagay Aw-Waalow..!!.
Habeenkii labaad, ayuu Ninkii waalnaa dib ugu
laabtay Aqalkii. Waxaa habeenkaas aqalka
joogtay, isla meeshiina fadhiday Gabar kale,oo
marti u ahayd reerka, caafimaad qabtay, qurux
badnayd, isla markaasna aad u
xarragooneysay.

Ninkii waalnaa, ayaa gabadhii martida ahayd
weydiiyay xaaladda caafimaadkeeda. Waxay
ugu jawaabtay: in ay aad u caafimaad qabto.

Inta uu ku soo booday Gabadhii,ayuu faraqa ku
dhegay. Wuxuu moodayay in ay tahay, tii uu
habeenkii hore ku akhriyay Quraanka oo soo
caafimaadday…!!. Wuxuu yiri:-” Quraankii aan
ku akhriyay ayay ku soo bogsatay, oo weliba
ku soo qurux badnaatay Gabadhu; ha la ii fuliyo
ballantii, oo hadda ha la igu meheriyo, hana la
ii aqal-geeyo isla caawa…”.

Waxaa reerkii martida loo ahaa dhibaato ku
noqotay, hawl badanina ay ka qabsatay: sidii
ninka waalan looga fujin lahaa Gabadha, loona
qancin lahaa isaga….!!.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here