Gabar iyo Wiil ayaa is-guursaday iyadoo ay tahay habeenkii aqalgalay, baa waqtigii seexadka la gaaray. Gabadhii baa wiilkii ku tiri: Xabiibi, waad ogtahay oo guur hadda ayaa iigu horrayaa, galmana waxba ka garam maayo e, bal marka hore waxa ay tahay ma ii sharrixi kartaa?

Wiilkii baa hadalkii qaatay oo wuxuu yiri “Waa yahay, gacaliso, si fudud baan kuugu dhigayaaye, xubintaada taranka waxan ugu yeeraynaa xabsi, teydana maxbuus. Haddaba waxa aan samayneynaa, maxbuuska ayaynu xabsiga gelinaynaa”.

 Keddib, hawshii baa, markii ugu horreysay, sidaasi ku dhacday. Markii shaqadii dhammaatay baa iyada oo la dhididsan yahay, lana faraxsan yahay, sariirta, dhacadiid la isu dhican seexday! Xoogaa keddib, bay cod naxariis leh ku xusuusisay: “Xabiibi, sida muuqata, maxbuuskii xabsigii wuu ka baxsaday”.

Isaga oo dhoola-caddaynaya, inta uu dhinaceeda isu rogay, buu dhegta ugu sheegay: “Waayahaye, aynu xabsiga ku soo celinno”. Sidii baa, mar labaad, lagu tuurtay. Illayn gabadha ciyaartii baa la macaatay e, xoogaa keddib bay, sidii oo kale, “Xabiibi, maxbuuskii mar labaad buu baxsaday”, intay tiri, isna jawaabtii mid la mid ah siiyey.

 Shaqadii baa mar kale lagu celiyey, sidaas baana habeenkaas oo dhan, “maxbuuskii wuu baxsaday” iyo “aan xabsiga ku celinno” daas la hayey. Wiilkii waa uu daalay, tabartii baana ka dhammaatay. Tookadii shanaad marka ay toban daqiiqo ka soo wareegtay, bay, sidii caadada u ahayd, “Xabiibii maxbuuskii mar kaluu baxsaday”, markii ay afkeeda ka sii baxaysay, wiilkii uu qaylo dhegaha uga bajiyay, “Naa hoogto! Maxbuuska ma in xabsi daa’in lagu xukumay baad moodday? Naga daa dee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here