Home » Arimaha Bulshada » SHEEKO YAAB LEH: Haweeneey dhimatay oo dib usoo noolaatay iyadoo aaskeeda lagu jiro – Ka dibse maxaa dhacay?

SHEEKO YAAB LEH: Haweeneey dhimatay oo dib usoo noolaatay iyadoo aaskeeda lagu jiro – Ka dibse maxaa dhacay?

(Filimside – India)  – Magaalada Badaun ee gobolka Uttar Pradesh ee dalka India ayaa waxaa ka dhacay arrin amakaag ku noqotay adduunka.

Haweeneey dhimatay ayaa dib usoo noolaatay iyadoo la qabanqaabinayo aaskeeda, sida ay warbaahinta India sheegeyso.

Shabakadda News 18 ayaa ku warameysa in 65 sanno jirtaan oo lagu magacaabo Gomti ay qurbaxday Arbacadii. Ka dibna dadkii qaraabada la ahaa iyo dadkii garanayey ayaa isugu yimid aaskeeda.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo lagu jiro aaskeeda ayaa waxaa la maqlay codkii Gomti oo ku qeylineysa ‘Waan noolahay… Waan noolahay’. Ka dibna waxaa laga furay karfantii, waxaana la arkay Gomti oo neefsaneysa.

Maadaama ay dib usoo noolaatay, Gomti ayaa biyo cabtay lana kulantay xubno ka mid ah qoyskeeda, iyadoo qoyskeeda oo dhan ay lama filaan ku noqotay inay markale arkaan Gomti oo nool. Laakiin farxaddaani waxay aheyd mid gaaban maadaama Gomti ay dhimatay hal saac ka dib.

Qoyska Gomti ayaa rajeynayey inay markale indhaheeda kala furi doonto 65 sanno jirtaani, laakiin marnaba taasi ma aysan dhicin waana la aasay markaan.