Jilaa Shekhar Sumar oo siyaasada dhinac galay xisbiyadana iska diiwaan galiyag ayaa dhowr maalin kahor dadka hortoodo ka shaaciyay war lala yaabay oo shaki weyn sii dhaliyay. Waxuu yiri,”Sushant waa nin caan ah dunida qeyb kamid ahna laga wada yaqaano macquul ma ahan haduu is dilaayo inuu warqad dhaafi waayo uu ku cadeynaayo sababta dhimashadiisa iyo waxa uu isku dilay ee ninkaan waa la dilay hurdada halaga kaco.”

“Waxaa la iisheegay in Sushant 50-Simard isticmaalay mudo hal bil gudaheed ah intuu noolaa maxay tahay cabsida u geeysay inuu lambarkiisa Mobile-ka 50-jeer bedelo hal bil gudaheed waxyar ma ahan arinkaas dadka se kuma baraarugssna in Sushant la dilay.”

“Waxaa la leeyahay Bollywood is qaraabeysi ayaa kajira balse ani waxaan leeyahay Bollywood is ugaarsi ayaa kajira dadkii Sushant ugaarsadeena Bollywoodke kujiraan waana la yaqaana” markuu sidaa yiri maalintiu xigtay ayuu siyaasads ku biiray Shekhar Suman.

Dhanka kale qoyska Sushant ayaa qoraal kasoo saareen arinkaas oo ay ku leeyihiin hadalka Shekhar aamin kuma qabno waxaana macquul ah in wiilkena uusan u hadlin ee uu shacabka codkooda doonayo maadama uu siyaasada ku biiray si kastr ahaataba Shekhar ayaa ka daba hadlay misane yiri wey cabsanayaan qoyska Sushant waana la caburinayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here