atariishada muranka badan Rakhi Sawant ayaa waxa ay xilli walba jeceshahay inay abuurto hadal-hayn iyo murano xoogan waana arrin caan ah oo atariishadan lagu yaqaano iyadoo ka mid ah atariishooyinka Bollywoodka
waxaana atariishadan ay sameesay aflaami badan sida filimka Main Hoon Na iyo kuwa kale oo badan laakiin Rakhi Sawant waxa ay dhawaan is-guursadayn nin ganacsade oo diyeesbaro ah laakiin asalkiisu yahay india

laakiin waxaa cajiib ah Rakhi Sawant waxa ay shaacisay ama dadka u sheegtay magaca ninkeeda inuu yahay Ritesh laakiin ilaa hadda maysan shaacin ama dadka maysan tusin sawirkiisa iyo muuqaalkiisa
iyadoo labadan lamaane ay is-guursadayn bishii hore taariikhda marka ay ku beegnayd 28 july waxaana arooskooda uu ka dhacay Hotel ku yaala magaalada Mumbai kaaso ay kasoo qayb-galayn asxaabtooda iyo qoyskooda kaliya

laakiin maalmo ka dib waxaa soo baxday arrin cajiib ah ka dib markii Rakhi Sawant ay baraha bulshada soo dhigtay sawiro calaacal ah kaaso ay ku sheegayso dhibaatada iyo niyad jabka uu leeyahay marka la guursado
waxaana dadka sidoo kale ka yaabiyay marka atariishadan shaacisay inaysan haysan lacago ay ku iibsato tikidyada dalka England waana arrin la yaab leh maadaama atariishadan ay ka mid tahay atariishooyinka dhaqaale ka sameeyay fanka atariishadan waxaa hantideeda lagu qiyaasa inay dhan tahay $1,385,250