Sidaan horey idiin kula wadaagnayba Shilpa ilmo labaad ayee hooyo u noqotay gabae ayaana udhalatay 15 Feb taaso loo bixiya magaca Samisha Shetty xili Shilpa aad u dabaal dagtay baraha bulshadana ku shaacisay arinkaan.

Mumbai Mirror ayaa dhowr suaal weydiyeen Shilpa si ay dadka ula wadaagto dareen ahaan inee mar labaad hooyo noqotay waxay tiri iyadoo hadleysa,”ma qiyaasi karo dareenkeyga aad baan u faraxsanahay mid kamid ah riyooyinkii iigu waaweyna ayaa ii rumoween.”

“Aniga iyo Raj 5 sano u dambeysay waxaan ku dadaaleyna sidaan cunug labaad kudhali laheen nasiib wanaag gabar ayaa inoo dhalatay waxaana u bixinay Samisha Shetty.”

Shilpa ayaa sheegtay magaca gabadheeda inee go’aamisan markee 21 jir ahed,”anigoo 21 jir ah ayaa go’aansaday hadii gabar aan hooyo u noqdo inaan u bixin doono Samisha Shetty waana u bixiyay maanta waana riyo soo jireen ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here