Waxaan horey idin kula wadaagnay atirishada caanka ah Shilpa Shetty 13-sano kadib inay shaashada kusoo laabtay kana soo muuqan doonto filimka Nikkama ee hogaamiye ka yahay wiilka lagu magacaabo Abhimanyu Dassani ee hooyo u tahay atirishadii filimka Main Pyaar Kiya sameesay Bhagyashree.

Haatan waxaan ogaanay qasaaro xoog leh inay soo gaartay kooxda filimka Nikamma kadib markii roob lama filaan ah oo xoog badnaa bur buriyay goobtii lagu duubaayay filimkan oo markii hore dhismaheeda qarash xoogan ku baxay wuxuuna roobkan Mumbai ka da’ay 8-dii bishan November haatana hakad ayaa ku timid duubista ama shaqada filimkan.

Filimkan waxaa atirisho kowaad ka ah gabadha fanka ku cusub Shirley Setia waxaana laga soo xigtay Director Sabbir Khan inay dhiseen sedex meelood oo kala duwan oo filimka Nikamma laga duubayay laakiin nasiib daro sedex meeloodba roob mahiigaan ah ayaa bur buriyay waxaana la sheegay in dhawaan shaqada mashruucan la amba qaadi doono marka dib loo dhiso meelo cusub oo lagu duubayo.

Filimka Nikama Shilpa Shetty waxay ku leedahay door adag waxaana isla maal galinayaan Sony Pictures International Productions iyo Sabbir Khan Films ayadoo qorshaha yahay xagaaga dambe 2020 in la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here