Atiriishada Shilpa Shetty ayaa markale hooyo noqotay 15 bishaan Febraayo waxaa u dhalatay gabar loogu magac daray Samisha Shetty Kundra waxayna horey u heesatay wiil lagu magacaaabo Viaan Raj Kundra.

Shilpa uur ma qaadin balse hab bacramin ah ayee kudhalatay gabadhaan oo haweeyney kale ayee la heshiyeen taaso uurka qaaday misane dhashay Shilpa ayaa warkaan farxada leh durba Instagram-ka taageerayaasheeda kula wadaagtay.

Shilpa waxay guursatay ganacsade Raj Kundra 22 November 2009 waxayna hader u heysaa wiil iyo gabar sidaas ayeena ku noqdeen qoys dhameestiran farxadna uma dhino taageerayaasheda ayee ka dalbatay hambalyeen iyo bogaadin.

Hada kahor mar ay ka hadashay inee hooyonimo ka daahday waxay tiri,”waligey ma rabin inaan 37 jir hooyo ku noqdo waxaan jeclaa anigo yar inaan hooyo noqdo laakiin calafka ayaa iidiiday waxuuna nasiibka ahaa anoo 37 jir inaan hooyo noqdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here