Atariishada Shilpa Shetty ayaa sicad usheegtay hada kadib ineesan nolasheyda gaarka ah lawadaagi doonin taageerayaasheeda, waxayna tiri qofku waa inuu si indho la’aan ah u aaminaa waxyaabaha baraha bulshada. Aniga hadaaba iijeedo indhaha mala’id” qof i arkay oo igu indhabeelay miyaa jira?

“Marar dhif inaa lawadaagto dadkaaga waa macquul . Marka, si indho la’aan ah ha u aaminin ama ha u saameynin waxa aad ku aragto warbaahinta bulshada ama aad si kale u maqashid,” Shilpa ayaa ku soo qoray Instagram-keeda. “Safarkaaga, guulahaaga, guulahaaga, ama dib udhacaagu waligood iskumid noqon maayaan nolosha qof kale.

ADIGU WAXAA TAHAY UUN ADIGA TARTANKAAGA KELIYA. Hanaqdo Ka shaqeenta naftaada maalin walba qaab wanaagsan, intii aad isbarbar dhigi laheyd qof kale. Jirkaaga iyo caafimaadkaaga kudadaal , ”ayay raacisay. ha isku adkeyn nolasha aduun Kukalsoonaaw naftaada. Waad fiicantahay.”

Dhinaca shaqada, Shilpa ayaa qarka u saaran inee shaashadda dib ugu soo laabto 13 sano ka dib iyadoo loosii deen doono labo filim oo kala ah ‘Hungama 2’ iyo ‘Nikamma’. Waxaa Director ka ah Sabbir Khan, filimka shactirada jaceylka ah ee “Nikamma” waxaa sidoo kale ku jira Abhimanyu Dasani iyo Shirley Setia.

Filimka “Hungama 2” waxaa sidoo kale jilaya Paresh Rawal, Pranitha Subhash iyo Meezan. Filimkan waa cusbooneesiib lagu sameenayo Priyadarshan filimkiisii 2003, ‘Hungama’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here