Shirkada caanka ah ee Yash Raj Filims ayaa dacwad ka dhan lacag dadow ay dhaceen lagu heystaa waliba kiiskan maxkamada ayuu gaaray maalamaha soo socda ayaana lagu kala baxaa sharciga India ka jira.

Qolo Music yaqaan ah oo shaqo wadaag la ahaayen Yash Raj Filims ayaa dacwad ka gudbiyeen shirkadaan waxayna sheegen in si xatooyo ah YRFs 100 Crore kaga qaateen waxayna ku doodayaan in lacagtooda loo soo celiyo.

Milkiilayaasha shirkada Aditya Chopra iyo Uday Chopra ee sawiradooda sare idiin kaga muuqdo ayaa laga rabaa lacagtaan hadee bixin waayana si toos ah ayaa loo xiraa oo xabsi loo dhex dhigaa maadama iyaga iska leeyihiin shirkadaan kana dhaxleen aabahood Yash Chopra.

Bollywoodka caawa dood ayaa ka djex socota maadama shirkada ugu weyn ee Filimada Bollywoodka maalgalisa caawa ceeb dhexda kaga jirto waxaa macquul ah Aditya iyo Uday inee is difaacaan cadeemo cadna la yimaadaan oo sheegayaan inee arinkaan banaanka ka yihiin.

Wixii warar kasoo kordha kala soco Filimside kiiskan…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here