Shirkada YRF oo mashaariic cusub si hordhac ah uga balanqaaday Fanka India!

0
555

Tan iyo bilowgii sanadka 2020, guriga wax soo saarka aktarada iyo filamada. qaaliga ah ee Hindiya, Yash Raj Films, waxee kujiraan diyaar garow xoogan maadaama ee dhameestirteyn 50 sano oo shirkada jirtay .

50sano oo shaqada ee kusoo jireen waxee kasaxiixdeyn atoorayaal badan kuwooda waqtigaan shaqeeya ee ugu caansan waxaa kamid ah Salman Khan Shah Rukh Khan, Ajay Devgn, Deepika Padukone, Katrina Kaif iyo kuwa kale oo badan. Waxay sidoo kale qorsheynayaan inay sameeyaan bandhig faneed adduunka oo dhan saameyn kuyeesha sanadka soo socda si ay u soo nooleeyaan dhammaan waxyaabihii ay soo saareen sanadihii la soo dhaafay.

Shirkada ayaa bilaawday haatan inee Si toos ah usoogalaan Digitalka aflaamta ee xaquuqda uleeyihiin“Xilligan, xuquuqda dhammaan filimada YRF waxaa qeyb ka ah Amazon, si kastaba ha noqotee, waxay hadda qorsheynayaan inay billaabaan barnaamijkooda u gaarka ah ee OTT sidoo kalena ay dib uga howlgalaan shuruudaha ay ku leeyihiin barmaamijkooda dijitaalka ah.

Asal ahaan waxay u adeegi doontaa xarunta filamada ugu badan soosaartay hindia YRF, daawadayaashuna waxay ku daawan karaan filimka ay jecel yihiin YRF iyaga oo gujinaya ama galaya halmeel oo onlineka ah,

xogta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in YRF ay sidoo kale qorsheyneyso inay soo bandhigto iskuulkeeda cusub ee jilitaanka. “Haa, waad maqashay taas. YRF waa hal guri oo wax soo saara badanaa aaminsana in la taageero lana kobciyo hibada saxda ah iyo in la qaado talaabooyin dheeraad ah, waxay sidoo kale la imaanayaan iskuul jilitaan gaar ah leh oo ay la socdaan magacyada ugu sareeya ee warshaduhu ay la imaanayaan shaqaalahooda tababarka.ilo xog ogaal ah ayaa sidaas earbaahinta usheegay.

Dhamaan ogeysiisyada filamada iyo mashaariicda waxaa lafilayaa in la sameeyo maalinta dhalashada Yash Chopra oo ah 27-ka bisha Sebtember.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here