Arin aad loola yaabay ayaa ka dhacday dhowaan xaafad kutaalo koonfur Hindiya waxaana isku dagaaleen labo wiil oo saaxiibo ah kuwaaso lagu kala magacaabo Dinesh Babu iyo Yuvraj kuwaaso hal dhismo kuwada noolaayeen maadama karantiil lagu jiro saaxaabidan ayaa go’aansadeen inee hal guri kuwada jiraan.

Dinesh waxuu taageero weyn u ahaa Rajnikanth (Jeestoole) halka saaxiibkiis Yuvraj uu taageerayaayey Vijay balse labadan saaxiibo ayaa isku dhaceen xili ay cabsanaayeen oo ay qamriga iska badiyeen.

Waxay ku murmeen lacagaha labadan atoore ay taageeraan ku bixyeen kahortaga Coronavirus Rajni waxuu la baxay 50 Lakh uu gurmadka la dagaalka Covid-19 ku caawiyay halka Vijay 1.3 Crore caawin ah baxsaday.

Hadaba labadan wiil ayaa ku murmeen atooraha aan taageero ayaa lacag badan bixiyay iyo maya ee keeyga lacag badan bixiyay kadib waxaa dhacday in Dinesh uu kala tuuro saaxiibkiis Yuvraj darbina kudhufto halkaaso Yuvraj dhaawacyo maskaxda ah soo gaareen ugi dambeyna udhintay.

Police-ka ayaana xireen Dinesh oo Rajni taageeraayey kaaso dilay saaxiibkiis Yuvraj oo Vijay taageerayaayey xili ay wada cabsanaayeen labadoodaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here