Home » Nolosha Jilaayaasha » Shocking: Waheeda Rahman Ayaa Hada Kahor Darbaaxo Kulul Kudhufatay Mega Star Amitabh Bachchan Iyo Sababta Kadambeysa Oo La Ogaaday!

Shocking: Waheeda Rahman Ayaa Hada Kahor Darbaaxo Kulul Kudhufatay Mega Star Amitabh Bachchan Iyo Sababta Kadambeysa Oo La Ogaaday!

Atariishadii barisamaadkii Waheeda Rahman ayaa hada kahor dharbaaxday ninka ay Bollywoodka ku abtirsadaan, xidigtaan fanka wey ogasoo horeysay Big B waxay aheyd xidig weyn oo laga dambeyo markuu asiga fanka kusoo biirayey uuna ahaa qof maqaam iyo magac raadis doonayey.

hadaba dhacdadan waxay dhacday inta lagu guda jiray duubista filimkii Reshma Aur Shera, doorka Reshma waxaa ciyaareysay Waheeda Rahman halka doorka Shera na uu matalaayey Sunil Dutt hadaba Big B xiligaas wuxuu matalaayey amaba filimkas ku jilaayey doorka Shera walalkiis ka yar.

Chotu waa doorka uumatalaayey Big B waliba wuxuu filimka kujilaayey nin carab la’ oo aan hadli karin, kadib mid kamid ah muuqaladii la duubayey ayee Waheeda Rahman kudhajisay Big B dharbaaxo kulul.

kahor inta aysan dharbaaxin xidigtaan Big B aadbe ugu dhibtootay duubista muuqaalkas, waayo goobta waxaa kusugneed Big B hooyadiis hadaba hooyada dhashay Bog B oo mesha joogtay ayaa u tagtay Waheeda waxayna kutiri gabadheydiyey u dharbaax wiilkeyga si tartiib ah ha kululeen.

Waheeda waxay dhexda ka gashay problem dhinacna Directoka filimka wuxuu ku amray inee muuqaalkas si xoog ah u dharbaaxeyso Big B misana hadana hooyada Big B o codsaneysa in sitartiib wiilkeda loo dharbaaxo hadaba aadbe oga murugtay arinkaas.

intaa kadib sidaa awged dadkii filimka ka shaqeynaayey ayaa goobta ka wadeen Amitabh hooyadiisa waxaana la duubay muuqaalkii dharbaaxshada waxayna u dharbaaxday si awood ku dheehan oo xoog ah.

dhanka kale Waheeda iyo Big B aflaam badan ayee isla sameyeen mar waxay u matashay xaaskisa marna hooyadisa halka marna ay u matashay jaceylkiisa.

F.G: Waa Maqaal Kucelis Ah Sababtoo Ah Waxaan Dib Usoo Celineynaa Keydka Shabakada: