Atiriishada caanka ah Shraddha Kapoor ayaa si rasmi ah u gaartay darajada 50-million Followers ah dhanka Instagram-ka waxayna kamid noqotay atiriishooyinka 50-million shacbiyad ah ka heleen Instagram-ka.

Shraddha dadaal xoogan ayee u muujisay darajadan inee gaarto waana wax ay ku faanto maanta la joogo aalada ugu daqliga badan baraha bulshada waa Instagram-ka oo lacago badan laga helo karo hadii qofka shacbiyad badan ku leeyahay halkaas Shraddha shacbiyadeeda waa mid ay ku faaidi doonto.

Xidigtaan geerida Sushant kadib ayee shacbiyadeeda karaar qaateen dad badan ayaana taageere ugu noqdeen Sushant dartiis maadama ay kamid tahay dadkii udhowaa sido kalena tacsidiisa ka qeyb galeen hadaba Shraddha atiriishada kusoo xigto waqtigaan waa Alia Bhatt.

Bhatt waxay kudhowdahay inee 50-million Followers gaarto laakiin lama oga waqtiga ay ku qaadan karto waayo waa lagu kacsan yahay Unfriend wali waa lagu wadaa marka aan aragno hadii Alia soo bar-bar dhigi doonto Shraddha Kapoor iyo hadii sidaas lagu dhaafi doono xidigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here