Atirishada awooda badan ee Bollywood-ka magaca ku leh Shraddha Kapoor ayaa la sheegay inay aqbashay Suldaan Mahesh Babu filimkiisa xiga ee Telugu ah inay hogaamiye ka noqoto kadib markii door heer sare ah loo soo bandhigay.

Shraddha Kapoor ayaa la sheegay inay taleefoon ku wada hadleen Director Parasuram oo ku caan baxay sameynta filimkii Geetha Govindam ee Blockbuster ka weyn horey u noqday markaana filimkiisa xiga Mahesh Babu ayaa hogaamiye ka ah wuxuuna Shraddha ku qanciyay mashruucan weyn atirisho kowaad ka noqoto.

Qorshaha wuxuu yahay Director Parasuram filimkiisa xiga in duubis lagu bilaabo horaanta bisha June marka xaalada caadi kusoo laabato waxaana lagu wadaa dhawaan in si rasmi ah loo xaqiyo filimkan weyn Shraddha atirisho kowaad ka noqon doono waxayna noqon doontaa markii ugu horeesay Suldaan Mahesh iyo Shraddha wada shaqeyn doonaan.

Shraddha Kapoor sanadkii hore filimkii Saaho ee Telugu ama Tollywood iska lahaayeen ayay Prabhas la sameesay markaana waxay diyaar u tahay mar labaad mashruuc Koonfur Hindiya laha leeyahay inay sameyso waxaana la sheegay in Shraddha filimkan ka dul qaaday atirishada Koonfur laga jecel yahay Keerthy Suresh oo filimkan Mahesh la sameyn laheyd madaama kooxda filimkan door bideen Shraddha oo Hindiya oo dhan awood ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here