Atiriishada Shraddha Kapoor ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inuu hayey walaac iyo walbahaar joogto ah balse markii dambe ay bilaawday la dagaalanka cuddurkaan cusub ee dariska la noqday haderna weyba ku guuleysataya inee iska saarto gabi ahaantiisa.

Shraddha waxay dhexda kaga jirta guulaheeda Bollywoodka 3 filim u dambeyeen guulo wacan ayee u gaareen kuwaaso kala ah Stree, Chhichhore iyo Saaho waana xili dahabi oo ay bartanka kaga jirta midaan waxay ka caawin kartaa niyad jabka iyo murugada joogtada ah inee ka duusho ama walaaca ay sheegeyso.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”Aashique 2 markaan sameeyay kadib nolosheyda waxaa kusoo biiray walaac daran ma ogi waxaan ka walwali jiray balse marwalba cabsi iyo kurbo ayaa isaarneed.”

“Dhaqtar ayaan la xiriiray baaritaan ayaa la igu sameeyay wax cuddur la iga helay majirin aniga iyo qoyska yaab ayaa naga soo haray midaas ayaa hadana murugo igusii abuurtay ugu dambeyn aniga ayaa la dagaalamay nolosheyda ayaan mashquuliyay jawi farxad ayaana hada kujiraa maadama fursad aan u diiday nafteyda ay ku walwasho.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here