Shraddha Kapoor”Uma Maleynaayo Dadka Inee Tiyaatarada U Aadan Inee Daawadan Xidigaha Kaliya”

Atirishada Shraddha Kapoor waxay aaminsantahay In daawadayaasha tiyaatarada u aadan inee daawadaan film sheeko wacan ee kaliya aysan u aadin xidig hebel ayaa hogaaminaayo filmkaan.

Shraddha maanta waxaa loo soo bandhigay goos gooska filmkeeda xiisaha leh ee Batti Gul Meter Chalu kaaso ay la hogaamineyso Shahid Kapoor waxana filmkaan la daawan doonaa 21 Sept 2018.

Iyadoo hadleysa xili ay maanta saxaafada wareysi siineysay markii goos gooskan lasoo bandhigaayey waxay tiri,”uma maleenayo daawadayaasha inee tiyaatarada u aadan kaliya xidig hebel ayaa filmkaas hogaaminaayo.”

“Sababto ah waxan aaminsanahay in daawadayaasha laga gadi karo film sheeko wacan oo ay ka helaan qofkii doono ha hogaamiye waana muhiimada weyn hadii filmkaada sheeko wacnaado goos gooskisana laga helo waa hubaal inuu ganacsi wacan sameen karo.”

Shraddha waxay ku kalsoontahay filmadeeda Batti Gul Meter Chalu iyo Stree inee daawadayaasha ka heli doonan maadama ay tilmaamtay inee sheeko wacanyihiin…

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*