Xidigta laga daba dhacay ee Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya ka dhaxeyso Shruti Haasan ayaa banaanka soo dhigtay in labadii sano ugu dambeesay loolanka nolosha iyo shaqada ay ka hartay kadib markii cidlo xoogan ay dhexda ka gashay sidoo kalena saaxiib la noqotay cabitaanka kulul midka ugu qatarta badan ee aalkoloda ah!

Shruti Haasan oo uu aabo u yahay Superstar-ka caanka ah Kamal Haasan ayaa u sir baxday barnaamijka Feet Up With The Stars kaasi oo ay daadihiso gabadha lagu magacaabo Lakshmi Manchu waxayna noqotay todobaadkan arimaha Koonfur Hindiya ugu hadal heynta badan in quruxleey Shruti Haasan baska ka dhacday midka nololeed iyo mid shaqo 24-ka bilood ugu dambeeyay.

Shruti Haasan waxay tiri “Labadii sano ugu dambeesay ma doonayo nolosheeda inaan dib u xasuusto waayo aalkolada oo aan ogahay inu yahay cabitaan halis badan ayaan saaxiib la noqday si aan cidlada kaga baxo taasina waxay sababtay inaan si adag u shaqeyn waayo sidoo kalena loolanka nolosha iyo midka shaqada aan ka haro.”

Xidigtan ayaa la weydiiyay waxa ku qasbay inay xaaladaas adag gasho waxayna tiri “Cidlo qofna uma adkeesan karo xiriirkeygii oo bur buray awgeed ayaan waxba la qabsan waayay balse haatan waan kasoo kabtay xaaladii adkeyd waxaana dadka kaga digayaa inaysan niyad jebin cabitaanka u dhawaanin si adagna u shaqeeyaan.”

Shruti Haasan waxay kala hareen wiilkii ay guurka ku balameen Michael Corsale kaaso oo reer Talyaani ah balse London dagan mudo ayay saaxiibo ahaayeen waxayna bartay qoyskeeda ayadoo Hindiya keentay laakiin xiriirkoodii wuu bur buray xidigtaan in mudo ah ayay ku qaadatay inay kasoo kabato niyad jabkii ay ka qaaday bur burkii xiriirkeeda caan baxay ku yimid.

Dhinaca shaqada Shruti waxaa haatan u diyaarsan filimka Bollywood-ka ah Power oo ay la jileyso Vidyut Jamwal iyo filimka Tamil ama Kollywood sameeyeen Laabam oo ay Vjijay Sethupathi la jileyso sidoo kalena dhawaan waxay saxiixatay filim Telugu ama Tollywood ah oo aan magac loo bixinin waxayna la jileysaa Ravi Teja soo laabasho wacan ayaan leenahay xidigtan mudo labo sano ah shaashada lagu arkin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here