Xidigta Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya ka dhaxeyso Shruti Haasan ayaa ku faraxsan la shaqeynta Mass Maharaja Ravi Teja madaama labadan ay isla soo wadaan filimka weyn Krack kana mid ah mashaariicda sanadka cusub 2021 Koonfur Hindiya ku daaf furan doonaan dhawaana shaqada filimkan wey soo idlaatay.

Shruti Haasan iyo Ravi Teja waxay maalmo ka hor magaalo xeebeedka loo dalxiis tago Goa (Goobaay) kusoo duubeen hal heeso oo lagu soo gaba gabeenayay duubista filimka Krack waxayna xidigtan saxaafada u sheegtay inay xili walbo aad uga hesho a shaqeynta Ravi Teja.

Shruti Haasan waxay tiri “Markii aan Ravi Teja filim la sameenayo kalsooni dhameestiran ayaan helaa, goobta shaqada waan ku raaxeestaa filimkana waxaan ku kalsoonahay inaan saameyn ku yeelanayo door ahaan sidaa darteed ma jirto wax aan ka jeclahay inaan mudane Ravi shaashada kala soo muuqdo dhan walbo ayuu ii dhiiri galiyaa.”

Xidigtan oo hadalka sii wadato waxay tiri “Daawada filimka Krack feestada Sankranthi ee sanadka cusub ku beegan waan hubaa inaad ka heli doontid waa filim qoysaska loogu tala galay sidoo kalena lehna mada daalo dhameestiran iyo dareen qiiro badan waana ku faani karaa sameynta filimkan.”

Filimka Krack waa mashruuca 65-aad ee Ravi Teja hogaamiye ka noqdo wuxuuna ku matalaa askari mayal adag halka Shruti Haasan xaaskiisa ku jileyso sidoo kalena filimkan waxaa doorar muhiim ah ku leh Varalaxmi Sarathkumar iyo Samuthirakani. Waxaana Director ka ah Gopichand Malineni qorshahana wuxuu yahay in la daawado 14 Janaayo 2021 ama todobaadka labaad ee bisha Janaayo horaanta sanadka cusub ayaa tiyaatarada la saari doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here