Atiriishada caanka ah Shruti Haasan ee uu dhalay Superstar Kamal Haasan ayaa si rasmi ah shaaca oga qaaday inee wajigeeda qaliin ku sameysay waana markii ugu horeysay ee ay qiratay arinkaan xidigtaan.

Mudo sanado ah ayaa lagu xamanaayey Shruti inee qaliinka wajiga ee Plastic Surgery loo yaqaan isku sameysay si ay qurux siyaado ah u hesho balse dhowaan dhigaal ay baraha bulshada soo dhigtay ayee arinkaan kulaga hadashay iyadoo dad weynaha si dadban kaga codsatay inee sidaas ku qaataan oo ay xanta ka dayaan wixii maanta ka dambeya.

Shruti oo ka hadleysa markii miisaankeeda culusaa waxay tiri,”dadka waxay idhihi jireen naagta buuran arka aniga waan usoo dulqaatay hadaladooda qalafsan balse dadaal badan aan sameeyay aawgii ayaa miisankeyga ku dhimay in badan.”

Shruti oo qiraneysa inee qaliin ku sameysay wajigeeda waxay tiri,”haa waa run waana qiranayaa inaan qaliin isticmaalay dhanka wajiga ah mana ka xishoonaayo inaan idiin la wadaago arinkaa sababta u isticmaalayna waa inaan ka helay oo sidaa ila fiicnaatay.”

Ugu dambeyn Shruti Haasan oo taageerayaasheda iyo dadka kaleba ka codsaneysa inee sidaa ku qaataan waxay tiri,”qofka isbedelka jirkiisa uu ku sameeyo ama maskaxdiisa waxaa wanaagsan in sidaa lagu qaato bedelkii lagu dhaliili lahaa hadalo xun xuna maalin walba laga qori lahaa waayo qofka xur ayuu uyahay naftiisa inuu kusameeyo waxuu doona ana sidaas in la igu qaato ayaa jeclaan lahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here