Home » Wararka Maanta » Shumiska Qarniga: Kajol Iyo Rani Mukerji Oo Srk Hadiyad Ahaan U Siiyeen

Shumiska Qarniga: Kajol Iyo Rani Mukerji Oo Srk Hadiyad Ahaan U Siiyeen

marna macquul maaha in la helo aktaro sida shah rukh khan kajol iyo rani ay u sameeyeen filimka kuch kuch hota hai kaaso ah filim meel walba ka dhamaystiran sida dhanka madadaalada iyo heesaha dhanka soo jiidashada iyo jaceylka

haka reebin dhanka shactirada waana mid ka mid ah aflaamta Classicada ay sameeyeen shirkada bollywoodka

iyadoo maalintii shalay ay ahayd dabaal-daga sanad guurada filimkan kaaso 20 sano ay kasoo wareegatay waxaana loo dhigay xaflad weyn oo ay kasoo qayb-galayn hogaamiyaasha filimkan shah rukh khan kajol iyo rani mukerji

iyadoo meesha uu ka dhacay kaftan iyo sheekooyin xasuus hore ah ayaa shah rukh khan si weyn u amaanay tayada labada atariisho ee kala ah kajol iyo rani mukerji

isagoo ku amaanay in la’aantooda uusan filimkan noqon lahayn sida uu hadda yahay ka dib kajol iyo rani mukerji ayaa shah rukh khan hadiyad ahaam u siiyeen shumis macaan

taaso sawirada laga qaaday maanta si weyn looga hadal-haayo baraha bulshada iyadoo muuqaalkan uu dad badan kiciyay xasuustooda hore waana sababta loogu dhigay xafaladan weyn

waxaana kasoo qayb galayn kooxda filimkaas dhamaan sidoo kale waxaa goobta lagu casuumay xidigo caan ah sida kareena kapoor Siddhart Malhotra jahnvi kapoor twinkle khan iyo xidigo kale oo badan