Home » Nolosha Jilaayaasha » Shuruudaha Priyanka Ay Nick Ku Xirtay Waxaa Kamid Ah Inusan Shukuulato Iyo Ubax U Keenin!!

Shuruudaha Priyanka Ay Nick Ku Xirtay Waxaa Kamid Ah Inusan Shukuulato Iyo Ubax U Keenin!!

Lamaanaha caanka ah Nick Jonas Iyo Priyanka Chopra hadal heynta xiriirkoda meeshi ugu sareesay ayuu maraya kaliyana waxaa dhagta loo raaricinaya hader taariikhda ay is guursan doonan.

PeeCee oo kamid ah atirishooyinka ugu caansan dunida sido kalena 35 jir ah waxay soo dhaweysay xiriirna ka aqbashay wiilka ka yar ee hablaha ka weyn jecel Nick Jonas kaaso xidigtaan aad oga helay.

Bilawgii xiriirkoda waxyaabihi ay ku heshiyeen wax kamid ah ayaan soo ogaanay anagoo kala soo dhex baxnay wareysi dhowaan PeeCee laga qaaday ama maalmo kahor inta aysan New York ku laabanin.

Priyanka ayaa ka sheekeysay shuruudaha ay Nick ku xirtay mar wax laga weydinaayey xiriirkoda ayna ku timaamtay inuu bilaw yahay isbarashana kudhexjiraan.

“Aniga iyo Nick hader ayaan is baraneynaa wax walbona waa bilaaw qofwalba dabeecadiisa ayuu kan kale ka baranayaa waana heerko kowaad (Xiriirka).”

Mar wax laga weydiyay hadiyadaha ay ka hesho iyo kuwa aysan ka helin waxay tiri,”waan ogahay gabdha oodhan inee hadiyadaha ka helaan anigana Nick horey ayaan ugu sheegay in uusan abid ikeenin shukulaatada iyo Ubaxa sababto ah kama helo inkastoo gabdho ka helaan ay jiraan.”

“Aniga waxaan ka helaa in hadiyad ahaan la iigu keeno qoraalka iyo hadalada macaan ee jaceylka ah halka aan ubax iyo shukulaato ka qaadan lahaa ereyo macaan oo jaceyl ah kuwaaso xili walbo iska akhristo farxadna I galinayaan ayaan ka helaa in warqad la iigu soo qoro.”