Bollywoodka waqtigaa waxaa ka dhex taagan ereyga is qaraabeysi oo mura xoog leh dhaliyay kadib geerida Sushant Singh Rajput waxaana ugu wacan jilaagan oo asal ahaan qoys Bollywoodka aan ku laheyn iyo in shaqsiyaad Bollywoodka katirsan farta lagu fiiqay inee ka dambeyeen sababta geeridiisa.

Hadaba isqaraabeysigan oo waligiis jiray aawgii 5-gabdho kasoo jeedan qoys Bollywoodka caan ka ah ayaa isa diideen inee atiriishooyin noqdaan waxayna doorteen xirfado kale qaarkood isla shirkada ayee ka shaqeyaan bal hoos kaga bogo aan isla barane haweenkan:

Rhea Kapoor: waxaa aabo u ah madaalaha Bollywoodka Anil Kapoor sido kale waxaa la dhashteen Sonam Kapoor iyo Harshvardhan Kapoor oo iyaga jilayaal ah balse Rhea wadadii qoyskeeda inee qaado wey diiday oo ay jilaa noqoto bedelkeedna qarash gareeye filimada maalgaliso ayee noqotay aflaamta ay maalgalisay waxaa kamid ah Khoobsurat, Aisha iyo Veere Di Wedding.

Star kids acting

Riddhima Kapoor Sahni: waa gabadhii Rishi Kapoor iyo Neetu Singh oo kamid ah shaqsiyaadka ugu magaca weyn fanka hindiya qaab jiliinkoodana heer weyn ka gaareyn sido kale walaalked Ranbir Kapoor waa xidig maqaam sare kuleh Bollywood balse gabadhaan wey iska diiday inee atiriisho noqoto waxayna naqshadeysa dahabka waana xaas nolosheeda gaarka ah aad ugu mashquulsan.

Star kids acting

Shweta Bachchan Nanda: Waxay kasoo jeeda mid kamid ah qoysaska ugu magaca weyn Hindiya ee Bachchan aabahed waa Goat-ka Bollywoodka ku aftirsadaan Amitabh Bachchan, hooyaded, walaalked xitaa dumaashided Aishwarya dhamaa waa jilayaal inkasoo waqtigaan Corona la dagaalamayaan qoyskeeda hadana Shweta ma noqon atiriisho oo dooqeda ma ahan waxayna doorbitay inee banaankeda ka shaqeysato qoyska Kapoor ayee udhaxdaa waana qoraa weyn oo buugaag caan ah soo saartay.

Star kids acting

Anshula Kapoor: waa gabar uu dhalay qarash gareeye Boney Kapoor waxaana adeer u ah Anil Kapoor iyo Sanjay Kapoor sido kale walaalahed waa Arjun Kapoor iyo Janhvi Kapoor oo dhamaantood jilayaal ah balse Anshula jiliin weydiiday shaqooyin kale ayeena iska qabsataa shirkada Google-ka ayee kala shaqeysay soo saarka Project Adwords la dhaho aalada Computer-ka iyo Softwares heer sare ah ayee ka howl gashaa gabadhaan dooqeedana ma ahan iee kaamiro soo hor istaagto.

Star kids acting

Shaheen Bhatt: Waxay la dhalatay Alia Bhatt qoyskeedana Bollywood maqaam weyn ayee ku leeyihiin balse gabadhaan wey iska diiday inee atiriisho noqoto waxaya dooratay shaqooyin kale inee isla Bollywood ka qabato tusaale waxay Director caawiye ka noqotay Filimka Raaz 3 halka Ajay Devgn filimkiisa Son of Sardaar dadkii ka howl galeen kamid ahed waxaana u dheer inee qoraa tahay.

Star kids acting

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here