Waxaan idinka balan qaadnay inaam idinla wadaagno taxanaha kurulus Osman iyo warbixin walba oo la xiriirta.

Hadaba kahor intaan xalqooyinka soo bandhigin kala baro shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee taxanahaan qeybta ka ah misna sheekadiisa ku xeyn daabantahay.

1-Burak Ozcivit waa hogaamiyaha taxanaha wuxuuna matalayaa doorka Osman Bey oo ah qofka taariikhdiisa laga sheekeynaayo.

2-Nurettin Sonmez wuxuu matalayaa doorka Bamsi Beyrek oo ahaan jiray gacanta midig ee Ertugrul haatana Osman booska aabihiisa oo kale u taagan.

3-Ragip Savas wuxuu matalayaa doorka Dundar Bey oo ah Osman Bey adeerkiisa aabihiisa la dhashay waana masuulka qabiilka Osman kasoo jeedo.

4-Saruhan Hunel wuxuu matalayaa doorka Alisar kaasoo ah wakiilka dowladii salaajiqada sidoo kalana masuulka uga ah deegaanka.

5-Tugrul Cetiner wuxuu matalayaa doorka Yannis oo ah amiirada Sofia aabaheeda sidoo kalana ah maskaxda dowlada Biizandiyiinta waana cadowga koowaad ee Osman.

6-Aysegul Gunay waxay mataleysaa doorka Zohre Hatun waxaana qabo Cusman adeerkiisa Dundar waxayna lid kutahay Osman ayadoo wax walba wiilkeeda la rabto.

7-Alma Terzic waxay mataleysaa amiirada dowlada Biizandiyiinta ee Sofia ayadoona Osman cadow ku ah.

8-Emre Basalak wuxuu matalayaa doorka Gunduz Bey oo ah Osman Bey walaalkiisa kaweyn asigoona siweyn u jecel walaalkiisa.

9-Abduk susler wuxuu matalayaa doorka Kalanoz asigoona ah hogaamiyaha ciidamada Dowlada Biizandiyiinta.

10-Eren Hacisalihoglu wuxuu matalayaa doorka Batur asigoona ah Osman ina adeerkiisa waxaana dhalay Dundar Bey.

11-Ozge Torer waxay mataleysaa doorka Bala Hatun waana jaceylka Osman Bey isla markaasna xaaskiisa noqon doonto sidoo kalana waxaa dhalay sheekha daraawiishta Sheekh Adibali.

12-Buse Arslan waxay mataleysaa doorka Aygul Hatun waxaana dhalay Osman adeerkiisa Dundar ayadoona Osman jecel sidoo kalana ah cadowga koowaad ee Bala Hatun (Osman jaceylkiisa).

13-Aslihan Karalar waxay mataleysaa doorka Burcin Hatun oo ah gabadhii uu guursan lahaa Eybarsi oo uu dhalay Bamsi Bey kaasoo xalqadii koowaadba shahiiday.

14-Ugur Aslan wuxuu matalayaa doorka Nizameddin oo ah gacanta midig ee Alisar Bey balse sida xaqiiqda ah jaasuus u ah dowlada Biizandiyiinta.

15-Emel dede waxay mataleysaa doorka Gonca Hatun oo ah gacanta midig ee Bala Hatun.

16-Yigit Ucan wuxuu matalayaa doorka Boran oo ah taliyaha ciidamada Osman Bey sidoo kalana ah gacanyarihiisa uu ku kalsoonyahay

17-Ali sinam demir wuxuu matalayaa doorka Tursun oo ah gacanta midig ee sherkha daraawiishta Sheekh Adibali.

18-Ismail hakki Urun wuxuu matalayaa doorka Samsa Bey kaasoo hogaamiya mid kamid ah qabiilada Turkiga sidoo kalana Osman bey siweyn ula safan waana nin jihaadka jecel misna gaalada sidaran u neceb intaasna waa usii dheer inuu yahay manaxe sooma jeeste ah misna wajigiisa kaliya ku cabsi galinaayo.

19-Seda Yildiz wuxuu matalayaa doorka Sheekh Adibali waana sheekha daraawiishta Turkiga sidoo kalana ah ninka uu ka shidaal qaato Osman wuxuuna u yahay sheekh sidoo kalana wuxuu dhalay gabadha uu Osman guursan doono ee Bala Hatun.

20-Latif Koru wuxuu matalayaa doorka Prince salvador waana cadowga Osmaniyiinta asigoona sidoo kale khiyaanoole ah.

21-Didem Balcin waxay mataleysaa doorka Selcan Hatun waana Osman adeerkiisa naagta uu qabay sidoo kalana Osman soo korisay asigoona Osman siweyn ugu kalsoonyahay.

22-Eren Vurdem wuxuu matalayaa doorka Konur Alp kaasoo kamid ah raga gacanta midig u ah Osman Bey.

23-Yurdaer Okur oo xalqadii ugu dambeysay taxanaha lagu soo daray wuxuuma matalayaa doorka Balgay kaasoo katirsan cawaantii Mangolia.

Shakhsiyaadkaas aan kor kusoo sheegnay waa dadka lafdhabarta u ah taxanahaan sida weyn loo jecelyahay.

Hadaba hadii aad dooneyso Shakhsi aan sigaar ah xogtiisa idiinkula wadaagno qeybta Commentiga ama pageka ayaad fariin noogu dhaafi kartaan.

Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here