Mamta Kulkarni sanado kahor waxaa loo bixiyay hooyadii fadeexada maadama waayaheda fanka hindiya iyo nolosheeda hore oodhan fadeexo ka dhex bixi weysay sanad walbana arin lala yaabo ayaa laga sheegi jiray xidigtaan.

Filimadeeda ugu caansan waxaa kamid ah Jaane Jigar, Karan Arjun, Naseeb, Baazi iyo kuwa kale oo badan hadaba waxaan halkaan idiin kuugu heynaa qaar kamid ah fadeexooyinkii Mamta dhexda ka gashay.

1-Xiligii 90-maadkii atiriishooyinka badankooda waxay ka xishoon jireen shumiska bishimaha inee shaashada horteeda ku sameyaan balse Mamta xeerkaas weyba jabisay sawir qaar horeheeda oo dhan ay qaawantahay ayaa laga soo bandhigay waana sawir Magazine Cover kaga dhigteen Fashion ahaan looga qaaday reer Bollywood afka le qabsadeen dhacdadan markee arkeen.

2-Filimsameyaal badan ayaa ka codsadeen inee sariir la wadaagto bedelkeedna aflaamtooda u sameyso midkii ay rabto wey ka ogolaan jirtay midkii ay rabtana wey ka diidi jirtay xitaa atoorayaasha qaar ayaa ku dayeen sida Bobby Deol oo ay ka diiday.

3-Ameesha Patel ayee is dagaaleen 1999 goob xaflad ayadoo la joogo waxayna Mamta xiligaas ku faaneysay xidignimadeeda halka Ameesha markaas Bollywoodka soo gali rabtay akhlaakhdeeda iyo aqoonteeda ayee iyadana ugu faantay meesha ayaana Mamta waxay sameyn jirtay oo dhan lagu sheeg sheegay.

4-Waxay guursatay nin Gangster weyn ah oo lagu magacaabo Vicky Goswami waana nin ku xeel dheer isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada Dubai ayaa lagu qabtay 1997 25 sano oo xarig ah ayaana lagu xukumay dhowaan ayaa lasoo daayey sanado qaar ah oo laga cafiyay ayuuna kusoo baxay.

5-Mamya qudheeda daroogada ayee baratay ileen ninkaan qamarjiga ah ayee 90-maadkii jecleed isagana baray xidigtaan waxay dhexda ka gashay waayaheedi hore nolol bulshada dhexdeeda ay sharafteedii kaga weysay haatana ninkaan ayee oa nooshahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here