Shabakada aflaamta Bollywoodka India abaal marinda bixso ee loo yaqaano Filmfare Awards ayaa bixisay abaalmarinta 38-naad waxaana la qabtay sanadkii 1993-kii

•Waxaa idin soo gudbinayaa sida loogu kala guuleestay abaal marinada la bixiyay sanadkii 1993-kii

Abaal marinada ugu weeynaa ee la bixiyay islamarkaana la gudoonsiiyay shaqsiyaad kala duwan•

¤ Filimkii ugu fiicnaa sanadkii 1993-kii waxaa ku guuleestay filimka Aamkr khan Baaskiilka oo ay Somalida u taqaano ee Jo Jeeta Wohi Sikandar•

¤ Directorkii ugu fiicnaa ama filim sameeyhii ugu fiicnaa sanadkii 1993-kii waxaa ku guuleestay Mukul Anand waxa uuna ku qaatay filimkii Khuda Gawah •

¤ jilaagii ugu fiicnaa sandkii 1993-kii waxa ku guuleestay Anil Kapoor filimkii uu layimid ee Beta ayuuna abaalmarintaas ku muteestay

¤ Aktaradii ugu fiicneed sanadkii 1993-kii waxa ku guuleesatay atariishada Madhuri Dixit iyadoo ku qaadatay ama ku muteesatay abaalmarintaas filimkeeyda Beta•

¤ Atoore caawiyihii ugu fiicnaa sanadkii 1993-kii waxaa ku guuleestay Danny Denzongpa – waliba filimkii uu ku muteestay waa Khuda Gawah•

¤ Atariishad caawiyihii ugu fiicneed waxaa ku guuleesatay Aruna Irani waliba waxa ay ku muteesatay filimkeeyda Beta•

¤ Shactaroolihii ugu fiicnaa waxaa ku guuleestay Anupam Kher (aabaska) waliba filimkii Khel•

¤ Laadarkii ugu fiicnaa waxaa ku guuleestay Nana Patekar (yaashwanti ) waliba filimkii uu ku qaaday waa Angaar•

¤ Muusigadii ugu fiineed waxaa ku guuleestay Filimkii Deewana waxaana lagu abaal mariyay muusigiistaha caanka ah ee Nadeem-Shravan•

¤ Soo galoowtigii ugu horreeyay ee ugu fiicnaa waxaa ku guuleestay Shah Rukh Khan asigoo la yimid filimkii Deewana•

¤ Laxamiisthii ugu fiicnaa sanadkii 1993-kii waa Sameer waliba heestii Teri Umeed filimkii uu ku qaaday waa Deewana •

¤ Heesaayihii ugu fiicnaa ee dhanka Raga sanadkii 1993-kii Waxaa ku guuleestay Kumar Sanu heestii uu ku luuqeenaaye ee Sochenge Tumhain asigoo ku qaatay filimkii Deewana abaal marintan

heesaayihii ugu fiicnaa dhanka hablaha ama dumarka waxa ku guuleesatay Anuradha Paudwal heestii ee ku luuqeeneesay ee Dhak Dhak waliba filimkii Beta•

Halkaa ayaan ku soo gaba gabeeyay warbixinta aan kaga haflay abaalmarinada ee bixisay shabakada filimfare awards sanadkii 1993 iyo sida loogu kala guuleestay mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here