Sida uu sheegay marqaati aabaha dhalay Amber Heard oo ahaan jirtay xaaska Johnny Depp ayaa dil ugu hanjabay jilaaga Johnny Depp.

0
874

Waayadaanba waxaa saxaafada aad u hadalheysay kiiskii dacwada Jonnhy Depp iyo Amber Heard kuwaasoo 2016dii kala tageen balse kiiska dacwadaas mahadhooyinka uu keenay wali taaganyihiin.

Amber Heard ayaa Johnny Depp ku eedeysay inuu jirdil u geysan jiray arinkaasoo jilaagaan fadeexo ku noqotay sidoo kalana sababtay in mashaariic badan seegaan balse markii dambe waxaa cadaatay in Johnny Depp laga been abuurtay wuxuuna jilaagaan dalbaday 50 Million oo mag dhow ah maadaama mashaariic badan uu kiiskaan dacwada ah dhaafiyay.

Haatan waxaa soo baxayo warar sheegaayo in nin makaanik ahaa kaasoo gawaarida u habeyn jiray Johnny Depp iyo Amber Heard uu ku dhawaajiyay in aabaha dhalay Amber Heard uu hadak kahor markii ay socotay kiiska dacwada lamaanahaan uu Johnny Depp soo wacay misna dil ugu hanjbay.

Ninkaan makaanikta ah ayaa yiri; wuxuu soo wacay asigoo gurigiisa joogo wuxuuna ku yiri; waan ku dili doonaa aniga waxaan kasoo jeedaa gobolka Texas waxaana kuusoo diri doonaa rag ku hubeysan bistoolada 45S dhamaadka cayaartana gacanteyda ayaad ku bixi doontaa”.

Sidoo kale ninkaan makaanikada ayaa sheegay in qudhiisa uu hanjabaad kala kulmay Amber Heard iyo aabaheedaba kadib markuu weydiiyay lacago uu gawaari ugu sameeyay.

Maxkamada qaadeyso dacwada jilaagaan ayaa arintaan il gaar ah ku fiirin doonto ayadoo Johnny Depp uu doonayo 50 Million oo magdhwo ah maadaama ay sumcadiisa dhulka la galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here