Kiara Advani filimka ay hogaamiye ka tahay Indoo Ki Jawani ayaa maanta si rasmi ah tiyaatarada gudaha Hindiya loo saaray waxaana laga daawanayaa inta badan magaalooyinka Hindiya ugu waa weyn balse waa filimka iska dhex dhexaad ah oo aan la fileyn inuu Boxoffice-ka wacdaro ka dhigto fagta hore.

Sidaa darteed filimka Indoo Ki Jawani wuxuu ku furmay 5% subaxdii hore xiliga Hindiya wuxuuna bilaabashada ugu wanaagsan ka sameeyay magaalada Mumbai, Pune, Delhi iyo Benglore balse mashruucan sida uu ku furmay waa mid aad u liidato. Qiyaasta xili hore waxay muujinee in flimkan maalintiisa kowaad 50 Lakh ilaa 1 Crore inta u dhaxeyso inuu keeni doono.

Filimka Indoo Ki Jawani waxaa Director ka ah Abir Sengupta waxaana Kiara ku wehliyo atooraha lagu magacaabo Aditya Seal waana filim shactiro, jah wareer iyo fariinta shukaansiga Online-ka ah isku jiro laguna kalsoon yahay reer magaalka inuu soo jiidan doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Indoo Ki Jawaani iyo bilaabashada liidato uu maanta subaxdii hore xiliga Hindiya ka sameeyay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here