Waxaa weli inoo socda barnaamijkii tixanaha ahaa ee aan kaga hadleynay sideed jaceyl oo dhexmaray atooreyaal iyo atariishooyin caan ka ah Bollywood kuwaasoo qaab nasiib darro ah u guuldarreystay – isla markaana aan weli dooddoodu dhammaan.

Maanta waxaan qeybta labaad ee barnaamijkaan kusoo qaadan doonaa xiriirkii jaceyl ee guuldarreystay ee dhexmaray halyeeyga Bollywood Dharam Devdutt Pishorimal Anand (Dev Anand) iyo atariishada aan ka dhicin Suraiya Jamaal Sheikh (Suraiya).

Suraiya oo dhimatay 31kii Jannaayo sannadkii 2004tii iyadoo 74 sanno jir ah, keliya ma aysan aheyn atariisho derejo sarre ka gaartay Bollywood – balse Suraiya oo heysatay diinta Islaamka sidoo kale waxay aheyd gabar cod macaan oo fannaanad ah, aflaan badan ayaana heesaheeda lagu qaatay.

Suraiya ayaana la kulantay Dev Anand isla markaana jaceyl u qaaday iyadoo dhallinyaro ah. Dev wuxuu ku jiray bilowgii waayihiisa Bollywood, halka Suraiya ay iyana ku cusbeyd shirkaddaan.

Xiriirkooda jaceyl muran badan oo dhanka diinta ah ayuu salka la galay, waxaana la isweydiinayey haddii ay mustaqbalka isguursan doonaan, maadaama Suraiya ay Muslim aheyd, halka Dev uu heystay diinta Hunuudda. Laakiin labadaan quruxda u saaxiibka ah jaceylkooda ma jirin derbi celin kara.

Muddo markii uu xiriirkooda jaceyl soo jiitamayey, sidii la filaayayba muran dhanka diimahooda kala duwan ah ayuu salka la galay. Suraiya ayeeyadeed ayaana ku adkeysatay in aysan sheekadaan jaceyl si farxad leh ku idlaan.

Markii ay labadoodu kala hareen, oo xiriirkoodii jaceyl soo dhammaaday – warbaahinta ayaa ku xoontay Dev Anand iyadoo sharraxaad dheeri ah la weydiiyey, Dev Anand ayaana ku tilmaamay Suraiya shaqsi fulay ah. Wuxuu caddeeyey inuu ka jeclaa iyada wax walba oo adduunkaan dulsaaran.

Suraiya ayaa sidoo kale wareysi ay bixisay sannadkii 1972dii ku caddeysay inay niyadjab weyn ka qaaday burburkii ku dhacay xiriirkii ay la laheyd Dev Anand, waxayna sheegtay inay marwalba xusuustiisa ku noolaan doonto.Waxay xitaa warbaahinta la wadaagtay erayo guubaayo jaceyl ah oo ay ka heshay Dev kuwaasoo ay caddeysay inay abid xasuusnaan doonto, markii uu ku yiri: “Diinta keliya ee adduunkaan ka jirta waa jaceylka. Marnaba yeysan dhicin in caqabadaha bulsho ama kala duwanaanta dhaqamada qoysku ay saameyn ku yeeshaan qalbigaaga.”

Laakiin inkastoo isku daygaas uu sameeyey Dev, Suraiya ayaa diiday inay guursato, waxayse caddeysay inay nolosheeda oo dhan ka qoomameyn doonto go’aankaas ay gaartay. Maadaama ay waddo cidlo ah uga dhaqaaqday jaceylkeedii.

Sheekadeenna seddaxaad waxaan kusoo qaadan doonaa jaceylkii dhexmaray Raj Kapoor iyo Nargis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here