Maanta oo Khamiis ah waa maalinta ugu dambeyso todobaadka kadib todobaad cusub ayaa bilaabanayo maalinta oo berito oo Jimco ah waxaana masraxa la wareegi doono filimka Love Aaj Kal oo siweyn dhalinta u sugayaan sidaa darteed filimada Malang iyo Tanhaji jaaniska ugu dambeeyay maanta ayay heestaan wixii ka dambeeyo tiyaatarada ay saaran yihiin siweyn ayaa loo dhimi doonaa.

Haddaba maanta oo Khamiis ah filimka Malang waxay u tahay maalintiisa 7-aad uu masraxa saaran yahay wuxuuna subaxdii hore xiliga Hindiya ku furmay 10.13% halka xiliga duhurka Hindiya uu gaaray filimkan 14.43% sida guudna cel celis ahaan wuxuu maanta ku furmay labada gelin markii la isku daro 12.28%, waxaana qiyaas ahaan laga rajeynaa inuu keeni doono maalintiisa todobaad ganacsi gaarayo 3 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo sawirka kaaga muuqdo magaalooyinka Hindiya ugu waa weyn sida uu filimka Malang maanta kaga furmay subaxdii hore iyo xiliga duhurka Hindiya:

Dhinaca kale filimka Tanhaji ee Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka yahay waxay u tahay maalintiisa 35-aad ee uu tiyaatarada saaran yahay wuxuuna subaxdii hore xiliga Hindiya ku furmay 9.78% halka xiliga duhurka Hindiya uu gaaray filimkan 11.78% sida guudna cel celis ahaan wuxuu maanta ku furmay labada gelin markii la isku daro 10.78%,waxaana qiyaas ahaan laga rajeynaa inuu keeni doono maalintiisa todobaad ganacsi gaarayo 0.65 Crore ama 65 Lakh.

Fadlan hoos kaga bogo sawirka kaaga muuqdo magaalooyinka Hindiya ugu waa weyn sida uu filimka Tanhaji maanta kaga furmay subaxdii hore iyo xiliga duhurka Hindiya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here