Waxaan soo daabacnay maqaal aan kaga hadleynay in Ajay Devgn gaaray atoorayaasha 30-sano u dambeysay sameyeen 25-Hit dhameestiran Filimo ah waxayna kala yihiin Akshay Kumar (32 Hit), Salman Khan (28 Hit), Shah Rukh Khan (27 Hit) iyo Ajay Devgn (25 Hit) Filimkiisa Tanhaji oo Hit dhameestiran noqday ayuuna darajadan ku gaaray.

Hadaba dad badan ayaa dood ka keenen sidee kudhacday Aamir Khan oo xidigahan isku waqti ahaayen inuusan 25-Filim Hit dhameestiran ah sameynin waana sababta aan maqaalkan oga soo diyaarinay guud ahaan tirada Filimada Aamir sameeyay ee Hit dhameestiran noqdeen.

Waxuu sameeyay Aamir guud ahaan 16 Filim Hit dhameestiran ah oo la hubo waana sababta uu kaga haray liiska atoorayaasha 25-Filim Hit dhameestiran noqdeen sameyeen Aamir na ma ahan atoore si joogto ah u shaqeyo filimadiisa guud uu sameyay ayaaba tiro ahaan ka yar atoorayaashan kale marka lala bar bardhigo Filimade sameyeen.

3 sano ama 2 sano gudahed ayuu Aamir Khan Hal Filim la imaada marka 30-sano uu fanka ki guda jiro kaliya 16-Filim Hit dhameestiran ah ayuu sameeyay kuwaaso kala ah:

1-Qayamat Se Qayamat Tak: Blockbuster

2-Dil: Blockbuster

3-Rangeela: Blockbuster

4-Raja Hindutani: All Time Blockbuster

5-Ishq: Super Hit 6-Ghulam: Hit

7-Sarfarosh: Hit

8-Lagaan: Hit

9-Rang De Basanti: Hit

10-Fanaa: Super Hit

11-Taare Zameen Par: Super Hit

12-Ghajini: Blockbuster

13-(3 Idiots): All Time Blockbuster

14-Dhoom 3: All Time Blockbuster

15-PK: All Time Blockbuster

16-Dangal: All Time Blockbuster

F.G:Filimada Dil Hai Maanta Nahin oo hada Semi HIT lagu sheego iyo Hum Hain Rahi Pyar Ke oo isagana Semit HIT lagu sheego weli BOI xogtooda ma saxin waxaana macquul ah inay HIT dhameestiran yihiin ku dhawaaqdo BOI balse aan sugno sixitaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here