Waxaan wada ognahay dabyaaqadii bishii hore April inuu geeriyooday halyee Irrfan Khan oo ahaa jilaa Bollywood-ka marnaba aysan ka maarmin kuna caan baxay sameynta doorar kala duwan sidoo kalena aflaanta Hollywood-ka ah sameyn jiray. Haatana waxaa lasoo bandhigay mashruuc uu sameyn lahaa oo xiiso badan sida laga yeeli doono.

Irrfan Khan iyo atooraha isagana jiliin ahaan ka liidanin Manoj Bajpayee waxay wada saxiixdeen filim uu Director ka noqon lahaa Tigmanshu Dhulia oo hore Irrfan ugu sameeyay filimkii Paan Singh Tomar oo uu ku qaatay abaal marino badan kuna jirto National Film Awards.

Filimkan waxaa la dhahaa Yaaraa waxayna Irffan iyo Manoj ku jili lahaayeen labo saaxiibo ah oo aad isku jecel mudo 35-sano ahna saaxiibo ahaa markii ay dhalin yaraayeen waxaa doorarka matali lahaayeen Amit Sadh iyo Vidyut Jamwal. Micnaha waa sheeko hal ah balse jilaayaasha kala duwan mar ay yar yihiin 20-jiro yihiin iyo mar ay da’doosa 40-sano ka weyn tahay.

Balse haatan Director Tigmanshu Dhulia wuxuu sheegay in mashruucan uu noqday mid dhicisoobay marba haddii Irrfan Khan geeriyooday filimkan horey loo sii wadi doonin gabi ahaana meel la iska dhigi doono Irrfan qof badali karto aysan sida uu filim sameeyahan hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here