Sidee loogu kala guuleystay abaal marinta Filimfare sanadkii 2000 yaa uqalmay yaase la siiyay iskoorada dhaceen iyo macluumaad kale!!

0
3555

Waxaan bilaawnay maqaal taxane noqon doono oo aan oga hadli doonno 20-sano u dambeysay sida Filimfare wax u bixisay shaqsiyaadkii iyo aflaamtii lakal gudoonsiiyay abaal marinada iyo iskoorads dhaceen mudada 20-sano ah maalin walbana sanad ayaan ka hadli doonaa sidaa aawged maanta 2000 ayaan kasoo bilaaweynaa.

Sanadkii 2000 aflaam badan iyo jilayaal qaab jiliin cajiib ah sameyeen ayaan wada aragnay hadaba xaflada Filimfare iyo abaal marinadeeda oo jilaa walba ku riyoodo hoos kaga bogo sida ay wax udhaceen:

Xaflada waxaa ka qabtay 17 Febraayo 2001 waxaana lagu qabtay Mumbai India halka ay xiriiriyaal ka ahaayen Malaika Arora, Javed Jaffrey iyo Karan Johar, Filimka ugu wanaagsan sanadka Kaho Naa Pyaar Hai ayuu noqday halka kan labaad uu noqday Filimka Halo, abaal marinada ugu badan Kaho Naa Pyaar Hai ayaa sanadkaas aruursaday (9-abaal marin ayaa Filimka lagu qaatay oo kala duwan) halka abaal marinta ugu badan Mohabbatein u tartamay (12-abaal marin ayaa loogu tartamay Mohabbatein oo kala duwan).

Shaqsiyaadka abaal marinada ugu waaweyn sanadkaas la gudoonsiiyay:

1-Rakesh Roshan ayaa ku guuleystay abaal marinta Director-ka ugu wanaagsan oo uu Kaho Naa Pyaar Hai ku qaatay.

2-Hrithik Roshan atooraha sanadka ugu fiican ayuu Kaho Naa Hai ku qaatay.

3-Karisma Kapoor ayaa atiriishada ugu fiican ku qaadatay Filimka Fiza.

4-Amitabh Bachchan ayaa atoore-caawiyaha ugu fiican ku qaatay Filimka Mohabbatein.

5-Jaya Bachchan ayaa atiriisho-caawiso ugu fiican ku qaadatay Filimka Fiza.

6-Shactiroolaha sanadka ugu fiican Paresh Rawala (Naa-naa manaxe) ayaa ku qaatay Filimka Hera Pheri.

7-Laadarka ugu fiican Suniel Shetty (Balwaan) ayaa ku qaatay Filimka Dhadkan.

8-Feroz Khan (Jilaa) iyo Asha Bhosle (Heesaa) ayaa la kala gudoonsiiyay abaal marino qaas ah oo ka turjumeysay mudadii ay fanka hindiya kusoo jireen (Lifetime Achievement Award). Intaas waa abaal marinada ugu waaweyn ee shaqsiyaadkii mudnaayen la siiyay sanadkaas hadaba aan isla aragno Filimada iyo shaqsiyaadka dadkii la tartameen iyo sidee ugu guuleysteen.

Filimka ugu wanaagsan: Kaho Naa Pyaar Hai ayaa noqday laakiin waxaa la tartameen Filimada kala ah Dhadkan, Josh, Mission Kashmir iyo Mohabbatein.

Director-ka sanadka: Rakesh Roshan ayaa noqday oo Kaho Naa Pyaar Hai ku qaatay abaal marinta balse waxaa la tartameen Aditya Chopra oo Mohabbatein watay, Dharmesh Darshan oo Dhadkan watay, Mansoor Khan oo Josh watay iyo Vidhu Vinod Chopra oo Mission Kashmir watay.

Atooraha sanadkan: Hrithik Roshan ayaa noqday oo Kaho Naa Pyaar Hai watay laakiin waxaa la tartameen Anil Kapoor oo Pukar watay, markale Hrithik Roshan oo Fiza ku tartamaayey, Sanjay Dutt oo Mission Kashmir watay iyo Shah Rukh Khann oo Mohabbatein watay.

Atiriishada sanadka: Karisma Kapoor ayaa noqotay oo Fiza wadatay waxaase la tartameen Aishwarya Rai oo Hamar Dil Aapke Paas Hai wadatay, Madhuri Dixit oo Pukar wadatay, Preity Zinta oo Kya Kehan wadatay iyo Tabu oo Astitva wadatay.

Atoore-Caawiyaha Sanadka: Amitabh Bachchan ayaa noqday isagoo Mohabbatein watay waxuuse loolan adag kala kulmay Atul Kulkarni oo Hey Ram watay, Chandrachur Singh oo Kya Kehna watay, Suniel Shetty oo Refugee watay iyo Sayaji Shinde oo Kurukshetra watay.

Atiriisho-Caawisada Sanadka: Jaya Bachchan oo Fiza wadatay ayaa noqotay inkastoo ay la tartameen Aishwarya Rai oo Mohabbatein wadatay, Mahima Chaudhary oo Dhadkan wadatay, Rani Mukerji oo Har Dil Jo Pyaar Karega wadatay iyo Sonali Kulkarni oo wadatay Mission Kashmir.

Shactiroolaha sanadka: Paresh Rawal ayaa noqday oo Hera Pheri watay balse halyeey ayuu la tartamay misane kala ah Anupam Kher oo watay Dulhan Hum Le Jaayenge, Govinda oo Kunwara watay, Johhny Lever oo asna Kunwara watay iyo markale Johnny Lever oo ku tartamay Phir Bhi Dil Hai Hindustani.

Laadarka sanadka: Suniel Shetty ayaa lasiiyay waxuuna ku qaatay Filimkii Dhadkan waxaase la tartameen Govinda oo Shikaari watay, Rahul Dev oo Champion watay, Jackie Shroff oo Mission Kashmir watay iyo Sharad Kapoor oo Josh watay.

Album-ka Music-sa iyo heesaha ugu fiican Kaho Naa Pyaar Hai ayaa loo doortay waxaase la tartameen Dhadkan, Mohabbatein, Fiza iyo Josh sido kale Hrithik Roshan iyo Kareena Kapoor ayaa loo doortay atooraha iyo atiriishada fanka ku cusub kuwa ugu fiican waxaana meesha wax ku waayey Abhishek Bachchan oo Hrithik la tartamaayey.

Heesaayaasha ugu fiican waxaa ku kala guuleysteen Lucky Ali oo Kaho Naa Pyaar Hai ku qaatay sigaar ahaan heeska “Naa Tum Jaano Na Hum” iyo Alka Yagnik oo iyadana Dhadkan ku qaadatay sigaar ahaan heeska “Dil Ne Yeh Kaha Hai Dil Se.”

Kya Kehna ayaa noqday Filimkii ugu sheekada fiicnaa 2000 maadama fariin adag oo loo baahna looga hadlay dhanka kale Shah Rukh Khan waxaa la gudoonsiiyay abaal marinta atooraha uqalmay inuu noqdo atooraha sanadka balse ku siktay (Best Actor Crtics) waxuuna ku qaatay Mohabbatein halka Tabu iyadana sidaas si lamid ah Lagu gudoonsiiyay isla biladaas Best Actress Critics waxayna ku qaadatay Filimka Astitva.

Ugu dambeyn Kaho Naa Pyaar Hai ayaa iskoor dhigay maadama 9-abaal marin lagu qaatay oo kala duwan. Intaas waa abaal marinada ugu muhiimsan bal fikirkaada ka dhiibo sanadkaan sidee wax udhaxeen maku raacday mise waad dhaliishay qaabka maqaalkan usoo diyaarinay hadaa ka heshaan beri hadana 2001 ayaa soo diyaarin doonnaa waxaan sugnaaba waa fikirkiina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here