Maanta oo Jimco ah afar filim ayaa tiyaatarada wada saaran sedex masraxa ku cusub iyo mid guda galay todobaadkiisa afaraad waxaana idiin heynaa filimadan xiisaha badan ee la wada sugaayo sida tiyaatarada loogu qeybiyay madaama todobaadkan feestada Diwali fasaxeeda la doonayo in laga faa’iideesto.

Filimka weyn Housefull 4 waxba ma aysan u dhimin labada filim ee masraxa lala saaray Made In China iyo Saand Ki Aankh madaama Housefull 4 la siiyay tiyaatarada ugu badan sidoo kalena filimka War oo isagana todobaadkiisa afaraad guda galay siweyn ayaa hoos loogu dhigay tirarada tiyaatarada la siiyay sida aan warbixinta ku helnay.

Housefull 4 waxaa la saaray 3600 ilaa 3700 tiyaatar sidoo kalena qiimaha tikit-ka filimkan sare ayaa loo qaaday taasi oo ka caawin doonto maalintiisa kowaad ganacsi weyn inuu sameeyo waa haddii lagu soo xoomo daawashadiisa.

Filimka Made In China ee Rajkummar Rao hogaamiye ka yahay waxaa la saaray 1100 ilaa 1200 tiyaatar filimkan wuxuu heli lahaa 1500 ilaa 2000 tiyaatar haddii waqti kale la saari lahaa balse Housefull 4 ayaa tiyaatarada siweyn kaga qabsaday.

Dhinaca kale Taapsee Pannu iyo Bhumu Pednaker filimkooda Saandh Ki Aankh ayaa qasaaraha ugu weyn la kulmay madaama 800 ilaa 900 tiyaatar loo qoondeeyay haddii waqti kale la saari lahaa 1200 ilaa 1300 tiyaatar wuu heli lahaa sidaa darteed kooxdan loolanka ay galeen fagta hore wey ku qasaareen dhanka tiyaatar qeybinta.

Ugu dambeyntii Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda Blockbuster-ka weyn noqday War isagana siweyn ayaa hoos loogu dhigay tiyaataradiisa waxaana la siiyay 100 ilaa 150 tiyaatar taasi oo ka dhigan in filimkan ku adkaan doonto darajada 300 Crore nadiif ah inuu gaaro qaybta Af Hindiga lagu daawanayo madaama tiyaatarada inta badan laga dajiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here