Shah Rukh Khan waa mid ka mid ah aktarada ugu jilitaanka wanaagsan ee soo maray fanka bollywoodka Khan wuxuu taageerayaal aad u fara badan ku leeyahay qaarada Asia iyo daafaha caalamka waxaana si gaar ah u taageeraan Hindida Diyasbarada ah ee qurba joogta ku ah daafaha

Shah rukh khan  wuxuu ku caan yahay in loogu yeero Inta badan magacyada kala ah “Baadshah of Bollywood”, “King of Bollywood” ama “King Khan laakiin shah rukh khan ayaa waxa uu aad u jecel yahay inuu aflaamta ku jilo labada magac ee kala ah Raj iyo Rahul

kuwaaso uu ku sameeyay aflaamtiisa ugu weynayd si gaar ah magaca raj oo shah rukh khan magacaas ku jilay aflaamta kala ah Raju ban gaya gentleman (1992) Dilwale dulhania le jayenge (1995) iyo aflaamo kale oo badan inkastoo shah rukh khan magacan inuu filim ku sameeyo ay ugu horeesay filimka Raju ban gaya gentleman

laakiin Shah rukh khan waxaa magacan u dooray Director ka lagu magacaabo Aditya chopra xiligii ay isla sameenaayeen  filimka Dilwale dulhania le jayenge aditya filimkaas director ayuu ka ahaa

ka dib markii uu Shah rukh khan la wadaagay filimka ayuu waxa uu u dooqay magaca raj inuu filimkaas ku sameeyo maadama aditya uu si weyn u taageero halyeega bollywoodka Raj kapoor ka dib Shah rukh khan magacaan waxa uu u noqday mid nasiibkiisa ku xiran

isagoo xiligaas ka dib ku sameeyay aflaamo classic ah sida baadshah ( 1999) Mohabbatein (2000) chalte chalte (2003) Rabne bana di chodi (2008) iyo filimo kale oo badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here