Maanta oo Jimco ah tiyaatarada gudaha Hindiya mashquul xoogan ayaa ka jiro madaama labo filim masraxa ku cusub yihiin (Bala & Satellite Shankar) halka labo filim kalena weli ganacsi wanaagsan sameenayaan (Housefull 4 & Saand Ki Aankh) haddaba waxaan idiin heynaa sida aflaantan tiyaatarada loogu qeybiyay maanta.

Ayushmann Khurrana filimkiisa Bala ayaa la siiyay tiyaatarada ugu badan madaama Khamiistii gelinka dambe meelo kooban laga daawaday oo aad loo amaanay fariintiisa sidaa darteed maanta oo Jimco ah filimkan waxaa la siiyay 2700 ilaa 2800 oo tiyaatar waana tiyaataro ku filan oo ka caawin karaan maalintiisa kowaad in filimkan 10 Crore ugu yaraan keeno haddii si wanaagsan uu ku furmo.

Dhinaca Housefull 4 weli wuxuu heestaa daawadayaal ku filan waana dooqa labaad ee aflaanta maanta masraxa saaran sida darteed dalabkiisa oo aad u sareeyo awgeed Superstar Akshay Kumar filimkiisa waxaa la siiyay 1200 ilaa 1300 oo tiyaatar waana tiyaataro ku filan oo ka caawin karaan in todobaadkiisa sedexaad ganacsi adag sameeyo wuuna gaari doonaa darajada 200 Crore madaama tiyaataro ku filan la siiyay filimkan weyn.

Dhinaca kale Sooraj Pancholi filimkiisa Satellite Shankar oo maanta masraxa ku cusub waxaa la siiyay tiyaataro aan ku filneyn oo ah 400 tiyaatar waana ka xunahay in filimkan daawashadiisa lagu beego xili filimada Bala iyo Housefull 4 masraxa ugu badan la siiyay sidaa darteed filimkan wuxuu tiyaataro badan ku heli karaa haddii fariintiisa si waali ah loo amaano waa macquul maal maha xigaan in tiyaataradiisa sare loo qaado!

Ugu dambeyntii Taapsee Pannu iyo Bhumi Bednekar filimkooda la wada amaanay Saand Ki Aankh isagana waxaa la siiyay 250 ilaa 300 tiyaatar asigoo guda galay todobaadkiisa sedexaad filimkan mana ku filno tiyaatarada la siiyay madaama weli laga rabo ganacsi adag inuu sameeyo todobaadkiisa sedexaad si u filimkan u guuleesto ama u bad baado waxaa la dhihi karaa kooxda mashruucan iska leh xili qaldan ayay ku aadiyeen daawashada filimkan la wada amaanay waxayna ahayd xili u gaar ah in tiyaatarada la saaro halkii Housefull 4 lala saari lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here