Waxaa maanta si rasmi ah loo saaray tiyaatarada sedex filim oo fariin ahaan kala duwan laakiin ku hardamayaan sidii ay daawadayaasha kusoo jiidan lahaayeen waxaa intaas u dheer in tiyaataro ku filin helin sedexdaan filim Pal Pal Dil Ke Paas, The Zoya Factor iyo Prassthanam waayo weli waxaa ganacsi adag sameenayaan filimada Dream Girl iyo Chchichchore oo ah dooqa kowaad ee daawadayaasha.

Sunny Deol wiilkiisa Karan Deol filimkiisa kowaad Pal Pal Dil Ke Paas ayaaba helin tiyaatarada ugu badan aflaanta maanta oo Jimco ah masraxa ku cusub waxaana la siiyay 1000 ilaa 1025 tiyaatar inkastoo ay ku fiicnaan laheyd inuu helo ugu yaraan 1500 tiyaatar haddana tiyaataradan wey ku filan yihiin haddii daawadayaal uu soo jiidan karo fariin ahaan.

Sonam Kapoor iyo Dulquer Salmaan filimkooda The Zoya Factor isagana waxaa la siiyay 800 tiyaatar inkasoo ku fiicnaan laheyd 1300 ilaa 1500 tiyaatar in la siiyo balse filimkan reer magaalka loogu tala galay maba la saarayo tiyaatarada Single Screens madaama fariintiisa loogu tala galin dadka dabaqada dhexe iyo hoose ah.

Sanjay Dutt filimka uu soo saare iyo hogaamiye ka yahay Prassthanam isagana tiyaataro yar ayaa loo qoondeeyay subaxan oo ah 850 tiyaatar halka filimkan ku fiicnaan laheyd 1500 ilaa 2000 tiyaatar oo la saaro.

Nasiib daro sedexdan filim masraxa ku cusub xili xun ayay kusoo aadeen waayo waxaa ka tiyaataro badan kana hadal heyn badan filimada sida weyn u gadmayaan sida Dream Girl oo la siiyay jimcadiisa labaad 1600 tiyaatar halka filimka Chchichchore isagana todobaadkiisa sedexaad guda galay la siiyay 100 tiyaatar waxayna labadan filim ka dalab badan yihiin sedexda filim ee Jimcadan masraxa ku cusub!

Fadlan hoos kaga bogo sida tiyaatarada loogu qeybiyay sedexda filim Jimcadan masraxa ku cusub iyo labada weli si adag u gadmeyso kana saameyn badan kuwa maanta masraxa ku cusub:

Dream Girl (todobaadkiisa 2-aad) – 1600 tiyaatar

Chhichchore (toodbaadka 3-aad) – 100 tiyaatar

Pal Pal Di Ke Paas (maanta ayuu masraxa ku cusub yahay) – 1000 ilaa 1025 tiyaatar

The Zoya Factor (maanta ayuu masraxa ku cusub yahay) – 800 tiyaatar

Prassthanam (maanta ayuu masraxa ku cusub yahay) – 850 tiyaatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here