Filimka Tanhaji wuxuu gudo galay todobaadkiisa labaad sidoo kalana waxaa lamid ah Chhapaak oo labada filimba jimcadii hore ayaa tiyaatarka la saaray.

Sidoo kale filimka Good Newwz ayaa todobaadkiisii 4aad gudo galay sidaas oo ay tahayna ayaga ayaa wali tiyaatarooyinka India heystaan walow todobaadkaan aan filim weyn la saari doonin.

Filimka Tanhaji oo ku socdo wadadii uu Big Hit ku noqon lahaa ayaa tiyaatarada ugu badan heysto waliba asigoo inyar laga dhimay tiyaataradii la saaray todobaadkiisa koowaad waxaana filimkaan Week 2 la saaray saakay 2900 ilaa 3000 oo shaashad taasoona filimkaan ka caawin doonto in todobaadkiisa labaad uu ganacsi weyn sameeyo.

Dhanka kale filimka Chhapaak ayaa tiyaatarooyinkiisa kala bar kabadan laga dhimay waxaana la saaray 800 ilaa 850 shaashad Week 2 waxaana ugu wacan in filimkaan gabi ahaantiisba fashilmay waana Big Flop.

Ugu dambeyn Good Newwz ayaa asigana la saaray 400 ilaa 425 shaashad xili uu gudo galay todobaadkiisa 4aad waana arin wanaagsan oo filimkaan ka caawin doonto in week 4 ganacsi wacan sameeyo.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo sida filimadaan shaashadaha loogu kala qeybiyay iyo midkasta todobaadka ay u tahay;

Tanhaji – The Unsung Warrior Todobaadkiisa 2aad; 2900 – 3000 shaashad.

Chhapaak todobaadkiisa 2aad; 800 – 850 Shaashad.

Good Newwz todobaadkiisa 4aad; 400 ilaa 425 shaashad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here