Sideedaan habdhaqan hadaad ku aragtidi jaceylkaagii hore ogoow inuu doonayo inu xiriirkaada soo ceshto.

0
881

Kala taga waa caado dabiici ah oo banii aadamka dhan ka dhex dhacdo ha ahaadaan kuwa is qabo ama kuwa aanan is qabain.

Dadkaas qaar markii ay kala tagaan waxay jeclaadaan mararka qaar iney dibi isugu laabtaan xiriirkoodii horena soo ceshtaan.

Dib isugu laabashadaas wuxuu ka imaan karaa hal qof amaba labada qof hadaba sidee ama qaabkee ku ogaan kartaa in jaceylkaagii hore doonayo inuu kuusoo laabto?

Jawaabta halkaan ka akhriso. Anagoo waliba qaab casri ah kaaga jawaabi doono iyo hababka cusub

1-Wuxuu la falgalaa Postiyadaada iyo sawirada aad baraha bulshada soo dhigto.

2-Wuxuu soo Posti gareeyaa qoraalo aysan dadka intooda badan fahmi Karin waana qoraalo adiga kaliya fahmi kartid.

3-Wuxuu asxaabtiisa baraha bulshada la wadaagaa in uusan waqtigaas xiriir laheyn.

4-Wuxuu raadiyaa cudur daar uu kuula soo xiriiro asigoona jaanis gaad noqdo.

5-Wuxuu kuula kulmaa si kama’ ah markasta misna joogto ah.

6-Markuu kula kulmo wuxuu sheekadiisa ku lifaaqaa noloshiinii hore iyo sidey u macaaneyd.

7-Marnaba kaama joojiyo dhambaalada uu kuusoo dirayo si uu xiriir joogto kuula lahaado.

8-Ugu dambeyn waxaa macquul ah inuu kaa dalbado kulan ah isla markaasna kaa codsado inuu waqti kula qaato.

Hadaba akhristow arimahaan qofkii aad ku aragto horayna xiriir kaala dhaxeeyay ogoow inuu doonayo inuu dib kuugu soo laabto,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here