Home » Nolosha Jilaayaasha » Sidharta Malhotra Oo Markale Shaashada Ardaynimo Ku Jili Doono (Mashruuc Xiiso Leh)

Sidharta Malhotra Oo Markale Shaashada Ardaynimo Ku Jili Doono (Mashruuc Xiiso Leh)

Atooraha Sidharta Malhotra ayaa sanadkii 2012 Bollywoodka kusoo biiray isagoo wata mashruuc uu kusoo caan baxayo kaaso ah Student of The Year waxuuna ku jilaayey door Arday nimo ah waxaana lasoo caan baxen oo filmkaan la hogaaminaayeyn xidigaha kala ah Varun Dhawan iyo Alia Bhatt.

Hadaba waxaa la sheegay atoorahan in markale uu shaashada ku jili doono doorkii uu kusoo caan baxay kaaso ah Arday nimo waana arin xiiso leh.

Wararka ayaa waxay sheegayan in atooraha sameyn doono filmka Kannada ah ee Kirik Party isagoo Hindi ah waana mashruuc Super Hit noqday sheekadiisana ku xeen daabantahay arday nimo iyo wax barasho.

Sidharta hadii uu Student of The Year uu nooga yaabsaday bandhigiisa wacan markale ayuu doorkisa dib ugu laabanaya asigoo doonayo inuu guushisa kusoo ceshto waxaan sugnaaba waa filmkaan iyo xogtiisa rasmiga ah inta laga soo bandhigaayo.