Sidharta Malhotra ayaa maanta u dabaal dagaya sanad guurada dhalashadiisa maadama uu dhashta shalay oo kale 16 January sanadkii 1985 waxuuna maanta si rasmi ah u jirsaday 35 sano.

Sidharta waa atoore sido kalena Model-ka ka shaqeya xidigaan waxuu kusoo caan baxay filmkii Student of The Year ee Karan Johar iskalahaa sido kalena la daawaday sanadkii 2012 waxaana filmkaan la hogaaminayen oo lasoo caan baxeen xidigaha kala ah Varun Dhawan iyo Alia Bhatt.

Sidharth ma noqon sida Varun iyo Alia Bhatt oo kale oo guul u saaxiib ah balse waa atoore karti badan sido kalena qaab jiliin wacan waxaana u sii dheer inuu yahay mid soo jiidasho leh.

Sidharth waxaa lagu xaman jiray oo uu saaxiib la ahaa Alia Bhatt balse wey kala hareen sida la sheegay kadib waxaa lagu xantahay atiriishooyin kale sida Tara Sutaria, Jacqueline, Kiara Advani iyo Parineeti Chopra ilaa hadana lama oga gabadha uu sida rasmiga ula socdo mana uusan shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here