Inta badan jilaayaasha Bollywood-ka waxay qaadanayaan kaalintooda ku aadan inay caawiyaan shacab weynaha Hindiya gaar ahaan kuwa nolol maal meedkooda dhacdan jireen ee bandowga saameynta xoogan ku yeeshay sidoo kalena shaqo la’aan ku dhacday arintaas oo qof walbo lagu boorinayay inuu kaalintiisa ka geesto.

Balse atooraha dhalinta yar ee la wada jecel yahay Sidharth Malhotra ayaa qaaday talaabo lama filaan ah siweyna loogu amaanay kadib markii uu gacan qabtay shaqsiyaadka heesaha Bollywood-ka gadaal ka cayaaraan ee filimada kasoo muuqdaan laakiin kaliya shaqadooda tahay atoorayaasha ama atirishooyinka inay masraxa Dance-ga kala soo muuqdaan waxaana dadkaas badankooda ku dhacday shaqo la’aan.

Sidharth Malhotra ayaa la ogaaday in si qarsoodi ah maalin walbo mushaar u siiyo 165 qofood oo ka mid ah kuwa gadaal ka cayaaraan (Background Dancers) tan iyo markii bandowga la galiyay ayuu Sidharth kaalintiisa qaadanayay mana uusan rabin in la ogaado balse shirkada Octopus Entertainment ayaa banaanka soo dhigtay wax qabadka Sidharth madaama shirkadan howsheeda tahay inay caawiso qolyaha heesaha Bollywood-ka kasoo muuqdaan balse aan filimada doorar kale ku laheyn.

Dhinaca shaqada Sidharth waxaa u diyaarsan filimka Shershaah ee looga hadlaayo nolosha kabtan Vikram Batra ee dagaalkii Kargil Hindiya iyo Pakistan dhex maray kaalin weyn ka qaatay waxaana kula jirto Kiara Advani qorshahana wuxuu ahaa in la daawado 6 July 2020 balse lama ogo in waqtiga loo asteeyay la daawan doono madaama mudo sedex bilood ah tiyaatarada xiran yihiin welina si rasmi ah loo caddeyn xiliga la furi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here