Atooraha dhalinta Sidharth Malhotra wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii la hadal haayay mashruuca weyn Race 3 inay qayb ka noqon doonaan.

Balse ugu dambeyntii saxaafada Hindiya waxay sheegtay in Sidharth uu filimka Race 3 sameyntiisa ku diiday Jacqueline Fernandez asigoo diidan inuu gabadhaan dib ula shaqeeyo kadib markii Alia Bhatt dhib satay sida uu Jacqueline ula fal galay inta duubista filimk A Gentleman socotay sababtana waxay ahed Race 3 howshiisa 2017 ayee bilaawatay xiligaasna Alia Bhatt waxay saaxiib la ahed Sidharth Malhotra.

Balse Sidharth Malhotra ayaa xaqiiqada ka hadlay wuxuuna sheegay in Race 3 uu mashruuc weyn yahay sidoo kale jeclaa sameyntiisa balse uusan waqti u heli karin.

Sidharth wuxuu yiri “Aadban u jeclaan lahaa Salman Khan inaan shaashada la wadaago sidoo kalena Race 3 waa filim aad u wacan balse nasiib daro waqtiga Race 3 la duubayo waxaa ii saxiixnaa aflaan kale oo aan lacag ku qaatay sameyntooda sidaas ayaan Race 3 isaga dhaafay”

Sidharth Malhotra waxaa lagu badalay Bobby Deol oo doorkaas si weyn oga soo dhalaalay waxaana mashruucan la daawaday 2018 waxuuna noqday darajo ahaan Average.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here