
Waxaa tiyaatarada Koonfur Hindiya heesto filimka weyn ee Telugu ah Sarileru Neekevaru waxaana mashruucan xiisaha badan hogaamiye ka ah Suldaan Mahesh Babu waana filim Action, xarako iyo fariinta siyaasada isku jirto ah sidoo kalena tiyaatarada la saaray shalay oo Sabti ahay.
Haddaba waxaan idiin heynaa sida mashruucan weyn Sarileru Neekevaru HIT ama FLOP ku noqon karo iyo sidoo kale lacagaha ay ka heleen qolyaha filimkan xiisaha badan iska leh.
Dhulweynaha Telugu xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha waxaa lagu iibsaday – 75.70 Crore
Gobolka Karnataka xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha waxaa lagu iibsaday – 8.50 Crore
Hindiya inteeda kale xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha waxaa lagu iibsaday – 1.30 Crore
Suuqyada caalamka xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha waxaa lagu iibsaday – 13.50 Crore
Suuqgeynta iyo badinta cajaladaha waxay shirkad gaar ah ku iibsatay – 4 Crore
Wadarta Guud lacagaha kooxaha cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen filimkan – 103 Crore.
Lacagaha kale ee filimkan qolyaha iska leh ka heleen waxaa ka mid ah:
Xuquuqda Satellite-ka Af Telugu lagu daawan doono waxaa lagu iibsaday – 24.30 Crore
Xuquuqda Sattelite-ka Af Hindi lagu daawan doono waxaa lagu iibsaday – 15.20 Crore
Xuquuqaha kale ee la iibiyay sida muusigada oo kale waxaa laga helay – 2.50 Crore
Wadarta Guud Lacagaha Ay Ka Heleen Qolyaha Filimkan Iska Leh Waa – 103 (lacagaha qolyaha cajaladaha qeybiyaan kaga iibiyeen) + 42 Crore (Satellite-ka+Music) = 145 Crore.
Filimka Sarileru Neekevaru iyo darajo walbo sida uu ku gaari karo fadlan hoos kaga bogo madaama filimkan qolyaha cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen 103 Crore:
Blockbuster wuxuu noqon karaa saami ahaan marka qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan 154.50 Crore iyo ka badan.
Super Hit wuxuu noqon karaa saami ahaan marka qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan 123.60 Crore ilaa 154.49 Crore.
Hit wuxuu noqon karaa saami ahaan marka qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan 103 Crore ilaa 123.59 Crore.
Above Average wuxuu noqon karaa saami ahaan marka qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan 92.70 Crore ilaa 102.99 Crore.
Average wuxuu noqon karaa saami ahaan marka qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan 82.40 Crore ilaa 92.69 Crore.
Flop wuxuu noqon karaa saami ahaan marka qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan 68.67 Crore ilaa 82.39 Crore.
Disaster wuxuu noqon karaa saami ahaan marka qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan 68.67 Crore iyo wixii ka hooseeyo.