Xidiga waqtiga wacan ku jiro ee Koonfur Hindiya shacbiyada balaaran ku leh Vijay Deverakonda waxaa maanta oo Jicmo ah masraxa u saaran filimka jaceylka ah ee la wada sugaayay World Famous Lover waxaana ku wehliyaan atirishooyinka ay ka mid yihiin Raashi Khanna, Aishwarya Rajesh, Catherine Tresa iyo Izabelle Leite.

Haddaba filimka World Famous Lover qolyaha cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 29 Crore wadarta guud xuquuqdiisa dibad iyo dal. Fadlan suuq walbo lacagaha lagu iibsaday fadlan hoos kaga bogo:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam waxaa lagu iibsaday 20.50 Crore

Gobolka Karnataka waxaa lagu iibsaday 1.30 Crore

Suuqyada caalamka waxaa lagu iibsaday 3 Crore

Hindiya inteeda kale waxaa lagu iibsaday 1.50 Crore

Cajaladaha waxaa lagu badiyay sidoo kalena lagu suuq geeyay – 2.70 Crore

Wadarta Guud lacagaha lagu iibsaday qeybinta cajaladaha filimkan – 29 Crore

Haddaba sida uu filimka World Famous Lover Flop ama HIT ku noqon karo hoos kaga bogo madaama 29 Crore lagu iibsaday:

Blockbuster wuxuu ku noqon karaa markii saami ahaan laga helo 43.50 Crore+

Super HIT wuxuu noqon karaa markii saami ahaan laga helo 34.80 Crore – 43.49 Crore

HIT wuxuu noqon karaa markii saami ahaan laga helo 29 Crore – 34.79 Crore

Above Average wuxuu noqon karaa markii saami ahaan laga helo 26.10 Crore – 28.99 Crore

Average wuxuu noqon karaa markii saami ahaan laga helo 23.20 Crore – 26.09 Crore

Flop wuxuu noqon karaa markii saami ahaan laga helo 19.34 Crore – 23.19 Crore

Disaster wuxuu noqon karaa markii saami ahaan laga helo 19.34 Crore iyo wixii ka hooseeyo,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here