Maanta oo Jimco ah waxaa dhul weynaha Telugu la saaray filimka Jaanu ee fariintiisa jaceylka tahay sidoo kalena hogaamiyaal ka yihiin Sharwanand iyo Samantha Akkineni. Sidoo kalena filimkan waxaa sheeko ahaan laga soo min guuriyay mashruuca Tamil-ka ah 96 ee Blockbuster-ka noqday sanadii 2018 waxaana wada jileen Vijay Sethupati iyo Trisha.

Haddaba aqristayaasha qiimaha badan filimka Jaanu oo fariintiisa la amaanayo waxaan idiin heynaa sida uu Flop ama Hit ku noqon karo iyo lacagaha qolyaha cajaladaha qeybiyaan filimkan ku iibsadeen.

Dhul weynaha Telugu xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha waxaa lagu iibsaday 16 Crore

Gobolka Karnataka xuquuqdiisa qeybinta cajaldaha waxaa lagu iibsaday 0.60 Crore

Hindiya inteeda kale xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha waxaa lagu iibsaday 0.10 Crore

Suuqyada caalamka waxaa lagu iibsaday xuquuqdiisa qeybinta cajaldaha 2 Crore

Lacagaha cajaladaha lagu badiyay & suuq geynta loogu sameeyay 2.30 Crore.

Wadarta Guud Lacagaha Lagu Iibsaday Dib & Dal Filimka Jaanu Waa 21 Crore.

Kala saarista natiijo walbo uu filimka Jaanu ku gaari kari iyo lacagaha laga rabo saami ahaan inuu soo celiyo:

Blockbuster wuxuu ku noqon karaa saami ahaan marka laga helo 31.50 Crore+

Super HIT wuxuu ku noqon karaa saami ahaan marka laga helo 25.20 Crore – 31.49 Crore

HIT wuxuu noqon karaa saami ahaan marka laga helo 21 Crore – 25.19 Crore

Above Average wuxuu noqon karaa saami ahaan marka laga helo 18.90 Crore – 20.99 Crore

Average wuxuu noqon karaa saami ahaan marka laga helo 16.80 Crore – 18.89 Crore

Flop wuxuu noqon karaa saami ahaan marka laga helo 14 Crore – 16.79 Crore

Disaster wuxuu noqon karaa saami ahaan marka laga helo 14 Crore iyo ka hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here