Home » Box Office » Siduu Shashi Kapoor sabab ugu ahaa All Time Blockbuster-kii ugu horeeyay Aamir Khan sameeyay

Siduu Shashi Kapoor sabab ugu ahaa All Time Blockbuster-kii ugu horeeyay Aamir Khan sameeyay

Ruug cadaa Shashi Kapoor oo geeriyooday asigoo 79-sano jir ah waligiis ma uusan la shaqeynin Mr. Perfectionist Aamir Khan hadana waxaa la sheegay in Aamir filimkiisa ugu horeeyay All Time Blockbuster noqday uu sabab u ahaa Shashi Kapoor.

Hadii Shashi Kapoor filimkiisii JAB JAB PHOOL KHILE dib loo sameyn laheyn Aamir Khan waxay ku qaadan laheyd ku dhawaan 20-sano inuu filim All Time Blockbuster ah sameeyo.

Aamir Khan filimka uu ku faano RAJA HINDUSTANI (1996) ee All Time Blockbuster-ka noqday waxaa sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka JAB JAB PHOOL KHILE ee Shashi Kapor barisamaadkii sameeyay.

Director Dharmesh Darshan ayaa qirtay in RAJA HINDUSTANI (1996) sheekadiisa inta badan kasoo qaatay filimkii Classic ahaa JAB JAB PHOOL KHILE ee sanadii 1965 Shashi Kapoor sameeyay.

Sidaa darteed ruug cadaa Shashi Kapoor ayaa sabab u ahaa in Aamir Khan helo filimkiisa ugu horeeyay darajada All Time Blockbuster gaaro sida xaqiiqada ah ee daaha laga qaaday.

One Response to Siduu Shashi Kapoor sabab ugu ahaa All Time Blockbuster-kii ugu horeeyay Aamir Khan sameeyay

  1. Anas xukun (king khan) Reply

    December 7, 2017 at 1:01 pm

    sxp arin fcn ayaaad xaqiiijiseeen si fcna waaan ugu xidhanahay film side

Leave a Reply to Anas xukun (king khan) Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *