1-Wajiga iyo Dubnaha (Dhabanada) Wajigooda waa mid cad oo dhowrsoon dhabanadooda ama daamankooda waxaa la moodaa jawharado midabyo leh. Waxay ka saafisanyihiin Muraayada waxayna ka cad yihiin cadceeda ama qoraxda Alle SWT waxuu dhabanahooda ku sheegay sida jawharado midabyo leh halka wajigooda ukun (Beed) oo kale kusheegay waana kuwa dhowrsoon oo waligood la taaban.

2-Khamaarka Madaxeeda: Waxaa la sheegay xijaabka madaxa ay saartaan Xuurul Caynta inuu ka qurux badan yahay kana Kheyr badan yahay aduunyada iyo waxa dul saaran.

3-Indhaha: Waa gabdho Indho waaweyn oo inta cad ay aad u cad yihiin inta madowna ay aad u madowyihiin. Indhahoodana wey laaban yihiin hadiiba ay kala furaan waxay ku eegaan nimankooda kaliya bidix iyo midigna ma fiiriyaan.

4-Laabtooda & Horaadkooda: Xuurul Caynta waxay leeyihiin Horraado goobaabo ah sida xabad tufaax oo kale mana dhacayaan waligood kumana imanaayo wax isbedel ah sida dumarka Adduunyada isbedelka ugu yimaado markee ilmaha nuujiyaan.

5-Sanka iyo Afka: Xuurul Caynta sankooda waa mid aad u qurxoon waxaana laga dhowray Duuf, Dhidid, Hargab, Cun-cun, Qabow iyo sanboorka. Afkeeda waxaa la moodaa inuu hilaac ka kacaayo markee dhoola cadeynayaan, halmar hadee dhoola cadeyaan dunida odhan ayee ifin lahaayeen.

6-Timaha: Waa madow saaid ah aadna u carfayaan sida miskiga hadii jirkooda dhan cadaan yahay timahooda madow saaid ah ayaa laga dhigay waxaana laga dhowray Cirro, Cun-Cun, Injir iyo Bidaar.

7-Gacmaha iyo Lugaha: Haddii gacanta Xuurul Caynta dunida laga soo laalaadiyo iftiinka qoraxda ayee damin lahaayen faraantigoda kaliya ayaa ka iftiin badan cad ceeda. Xuurul Caynta lugo kuwii ugu qurxana ayee leeyihiin 70 maro ayagoo xiran ayaa haddana lugahooda laga dhex arkayaa dharkaas misane dhuuxooda la arkayaa Alle ayaa u nicmeeyay.

Lasoco Qeybta 2-aad Sifooyinka kale ee Xuurul Caynta Share-na Dheh…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here