Lamaanaha Bollywood-ka awooda balaaran ku leh Ajay Devgn iyo Kajol Devgn waa labo baraha bulshada ku kaftamaan sidoo kalena marka ay ka qayb qaadanayaan barnaamijka nolosha jilaayaasha lagu soo qaato arimo kaftan iyo qosol badan kaga hadlaan balse xaqiiqo ah sidoo kalena kama xishoodaan inay waxyaabaha gaar ee iyada ku saabsan taageerayaashooda la wadaagaan.

Haddaba Kajol Devgn oo lagu tilmaamo qof ka fur furan marka seygeeda Ajay Devgn lala bar bar dhigo ayaa sir qoyskaan u gaar ah banaanka soo dhigtay xili ay ka qayb qaadaneesay barnaamijka AMA waxayna sheegtay cunta karinta inaysan ku wanaagsan sidoo kalena dhibsato marwalbo oo ay jikada gasho waxayna tiri “Aniga waxaan ahay hooyo iyo marwo gurigeeda waqtiga ugu badan siiso laakiin halka ceeb aan leeyahay waxay tahay cunta karinta kuma wanaagsani mana jecli jikada inaan galo weyna og yihiin Ajay iyo caruurteyda inaan jikada saaxiib la ahayn.”

Kajol waxaa la weydiiyay haddii seygeeda Ajay Devgn caawiyo marba haddii cunta karinta ku fiican tahay waxayna tiri “Maya Ajay ima caawiyo waayo weli ma uusan is xil qaamin si uu cunta karinta u barto malaha waxaa macquul ah inuu isleeyahay hadaa baratid raashiin karinta adiga ayaa guriga ka noqon doontid cunta kariye sidaa darteed Ajay isagana jikada maba soo galo.”

Ajay Devgn iyo Kajol waxay is guursadeen sanadii 1999 waxaana lamaanahan caanka ah u joogaan gabbar lagu magacaabo Nysa iyo wiil lagu magacaabo Yug waxayna lamaanahan wada sameeyeen aflaan badan oo caan ah filimkoodii ugu dambeeyana wuxuu ahaa Tanhaji oo bilawgii sanadkan la daawaday kaasi oo Blockbuster weyn noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here